Qarax iyo toogasho maanta ka dhacay degnada Kaxda ee gobolka

11

Qarax loo adeegsaday gaari ayaa wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye gaar ahaan agagaarka Siinka dheer Waxaa lagula eegtay gudoomiyaha degmada Kaxda iyo saraakiil ka tirsan booliska Soomaaliya.

- Advertisement -

Gudoomiyaha degmada iyo saraakiilsha amaanka ayaa ku baxay gudoomiye waaxeed ka tirsan degmada kaxda iyo haweenay degmada u qaabilsaneed ka hortaga xanuunka Coronavirus oo halkaasi maanta lagu dilay.

Ma cada ilaa iyo haatan qasaaraha ka dhashay qaraxaan balse dadka deegaanka ayaa ku waramaya in uu ahaa mid xooggan oo aad looga maqlay degmada Kaxda waxaana halkaasi ku baxay ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya.

Guddoomiye waaxeedka la dilay oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Colow Cali ayaa waxa dilka loogu geystay waaxdii uu maamulayey ee Siinka-dheer ee degmada Kaxda.

Isaga oo watay gaari yar ayaa la sheegay dableyda in ay wadada u galeen, kadibna ay toogteen oo ay ka qaateen gaarigii uu watay.

Gudoomiyaha ayaa waxaa lala dilay haweenay lagu magacaabi jiray Faadumada Mataan oo halkaasi ka waday olole wacyi galin ah oo ku saabsan ka hortaga xanuunka Coronavirus.

Saraakiisha amaanka Soomaaliya wali kama hadlin weerarkaan sidoo kale majirto cid dusha saaratay masuuliyadda weerarkaan marka laga tago in weerarada nuucaana ay gaystaan xoogga hubaysan ee Al Shabaab.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More