Muqdisho oo martigelineysa dhaq-dhaqaaqyo Siyaasadeed! –

8

Magaalada Muqdisho waxa ay martigelineysaa dhaq-dhaqaaqyo Siyaasadeed oo ay sameynayaan mas’uuliyiinta Dowladda iyo Xisbiyada Mucaaradka kahor inta aan la guda gelin waqtiga Doorashada 20/21.

- Advertisement -

Nairobi waa barta kulmisay Siyaasiyiin u xul-duubeysa hanashada kursiga ugu sareeyo dalka ee Hogaamiyaha, waxaa wehliya shaqsiyaad kale oo ku haminaya kasoo muuqashada Dowladda dhismaheeda la qorsheynayo.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo kamid ahaa mas’uuliyiin Magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulamo siyaasadeed uga qaybgalay ayaa maanta dib ugu soo laabanayo Caasimadda.

Maalmhaha soo socda waxaa imaanaya siyaasiyiin kale oo soo idleystay kulamada siyaasadeed oo ay isaga xog-waramayeen xaaladda dalka, isla markaana dhanba dhanka kale uu ku qiimeynayay miisaanka uu ku leeyahay loolanka Doorashada 20/21.

Ilo xog ogaal ah ayaa Axadle u sheegay in xubnaha mucaaradka ay bilaabayaan u xusul-duubka kuraasta Baarlamaanka Soomaaliya oo loo arko go’aaminta Hogaamiyaha La dooran karo 8-da Febaraayo 2021.

Waxaa joogta noqonaya kulamada & dhaq-dhaqaaqyada siyaadadda oo inta badan xooggooda la arko marka uu soo dhawaado waqtiga doorashada, maadaama xubnaha xildoonka ay is muujiyaan.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More