Muddo xileedka Sharciga ee DG Hir-Shabeelle oo 17-cishe la

Muddo xileedka 4-ta sano ah ee DG Hir-Shabeelle ayaa ku idlaaday 9-kii bishaan, waxaana qorshuhu ahaa in la diyaariyo Baarlamaanka labaad si uu u doorto guddoonka cusub oo sii wada howsha.

- Advertisement -

Magaalada jowhar kama muuqda dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo xitaa lagu soo diyaarinayo Xildhibaannada labaad ee Beelaha, Odoyaasha Beelaha uma intooda badan waa ay ka maqan yihiin Magaalada oo xitaa hogaamiyayaasha qaarkood ayaa afka ka qabsaday ka hadalka howsha socota.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Cismaan Barre ayaa sheegay in sida dastuurka uu dhigayo Baarlamaanku uu la wareegayo howsha, maadaama muddo xileedka madaxweynaha & wasiiradiisa soo idlaaday, ilaa inta laga soo diyaarinaya Xildhibaannada shaqada ay sii wadayaan.

Hadalkaas ayaa u muuqda in uusan kasoo gudbin afka, sababtuna waa in maalintaas wixii ka dambeeyay la waayay muuqa iyo codka Guddoomiye Cismaan Barre iskaba daayee in uu sameeyo dhaq-dhaqaaq siyaasadeed.

Jowhar waxaa dhoola-tus siyaasadeed ku sameynaya Hogaamiye ku xigeenka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo markaan ku haminga in uu shukaanta u qabto maamulka, isla markaana u taagan xilka Hogaamiyaha.

Siyaasiyiinta qaar ee kasoo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa ku kala qaybsamay dood aan afka dhaafsiisaneen oo ah awood qaybsiga xilalka Hogaamiyaha & Ku xigeenkiisa oo labada dhinac ku kala doodayaan beesha la siinayo ma hiiraan oo kaliya ayuu xilkaas u xiran mise Jowhar waa ay u furan tahay?

DFS ayaa dhankeeda isku diyaariyay doorashada Hir-Shabeelle oo ay ku hoos lamaanan tahay Dan Federaalka oo kuraas kamid ah Golayaasha Shacabka & Aqalka sare lagu soo dooran doono.

Dadka ayaa intooda badan is weydiinaya maxaa xigi doona haddii uu gaabiska iyo cagajiidka siyaasadeed ee lagu martigelinayo Doorashada Hir-Shabeelle sii taagnaato?

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More