Khilaaf ka taagan qaabka loo soo xulayo Mudanayaasha

MW Farmaajo, Cabdi Xaashi, Baashe Yuusuf,Maareeye iyo Yariisow.
Sawir hore

War qoraal ah oo ka soo baxay golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in habraaca doorashooyinka kuraasta Xildhibaanada kasoo jeeda Gobaladda Waqooyi (Waqooyi) loo raaco habraacii lagu galay Doorashadii 2016 kii.

Qoraal uu ku saxiixanyahay gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi lana ogaysiiyay Hogaamiyaha, Ra’iiusl wasaaraha, Hogaamiyayaasha Dowladd-goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in xukumada Soomaaliya aysan xaq ulahayn in ay soo magacaawday xubanah guddiga doorashadda ku matalaya deegaanadda Gobaladda Waqooyi.

Warka ka soo baxay gudoomiyaha Aqalka Sarre ayaa lagu sheegay in ay muhiimtahay in siyaasiyiinka ka soo jeeda Gobaladda Waqooyi loo madax-baneeyo soo xulista xildhibaanadooda maadaama heshiiskii habraaca doorashada 2020/21 lagu heshiiyay in kuraasta goboladda Waqooyi lagu soo xulu qaabkii 2016.

Guddiga maamuli doona doorashada.

Guddiga maamuli doona doorashada xildhibaannada maamul goboleedkasta ayaa ka koobnaan doona 11 xubnood oo sideed ka mid ah ay ka iman doonaan dhinaca maamul goboleedyada halka saddexda kalana ay dowladda federaalka ah soo magacaabi doonto.

Halka guddiga maamuli doona doorashada xildhibaannada Gobaladda Waqooyi la sheegay in ay soo magacaabi doonto Xukumadda Federaalka ah iyagoo latashanaya siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobaladda Waqooyi.

Balse guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi waxa uu dalbanayaa in siyaasiyiinta Gobaladda Waqooyi ay soo magacaabaan 8 xubnood oo uu sheegay in ay soo xuli doonaan xildhibaannada meteli doona Gobaladda Waqooyi. Mana cadda sida la isu qabadsiin doono labadaasi aragtiyood.

Guddiyadaas ayaa la sheegay inay xilkooda ku gudan doonaan si ka madaxbanaan dhammaan mas’uuliyiinta siyaasadda iyo hay’adaha labada heer ee go’aanada gaara.

Halkaan ka aqri. 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More