Dabka ka kaca Goobaha Ganacsiga Dhuusamareeb & Dab damis

2

Kaalin shidaal oo ku taalla meel u dhaw Xarunta Dowladda Hoose ee Dhuusamareeb waxaa saakay qabsaday dab aan la xaqiijin ilaa haatan waxa uu ka dhacay, balse saameyn dhaqaale u geystay dhismo ganacsi oo u dhawaa kaalinta.

Dad wata sakeelo lagu shubay carro iyo biyo, Booyaha shaqsiyaadka ganacsatada ay leeyihiin & Dhalinyarada magaalada ayaa ku howlan daminta dabka si uusan u reebin saameyn dhaqaale oo kale.

Magaalada Dhuusamareeb malahan Dab damis, waxaana la adeegsadaa Booyo biyo lagu shubay, dadka oo gacmahooda la dul taga Carrada & Biyaha Sakeelada ay ku shubtaan, taasi ma xakameyn karto daminta dadkba.

“Mar qura ayaan aragnay dab is qabsaday dhismo ku yaalla Bartamaha Dhuusamareeb, dabayl ayaa jirta oo dabka kusii fidineysa Dhismayaasha kale ee u dhaw, waxa gubanayo waa shidaal oo halistiisa leh, waxa uu gaarayaa meelo horleh, maadaama aysan jirin dab damis” Sidaasi waxaa Axadle u sheegay qaar kamid ah Ganacsatada.

Qaar kamid ah dadka isku howlay daminta dabka ayaa dhaawacyo yaryar soo gaaray, qaarkood ayaa gacmaha ka gubtay, waxaana jirkooda ka muuqda waxyeelada dabka kasoo gaartay sida ilo xog ogaal Axadle ay u xaqiijiyeen.

Goobaha qaar waxaa laga saaray Badeecadaha yaalla si looga badbaadiyo dabka, Uurada ayaa cirka isku shareertay, waxaana burburay dhismaha dabka uu qabsaday, halka dadka laga saaray Xaafadaha kale ee dhaw, maadaama Fuustooyinka Shidaalka qaraxyo ay sameynayaan.

Dhuusamareeb waxaa maalmihii lasoo dhaafay kusoo kordhay dabka ka bilaabanay kaalmaha Shidaalka ee geysnaya khasaaraha maaliyadeed, xili aysan jirin wax dab damista ah oo yaalla Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More