Cuba & Al Shabaab oo kawada xaajoonaya dhaqaatiir afduuban!

Wadahadalo ayaa ugu socda dowladda shuuciga ah ee Cuba iyo Xoogga Al-Shabaab si ay xorriyadooda dib ugu helaan dhakhaatiirtii April, 2019 laga soo qafaashay waqooyi bari Kenya, sidda uu wariyay Bogga afka dheer ee Cibercuba.

- Advertisement -

Bogga ayaa wariyey in wada-wadahadalkaas ay fududeynayaan odayaal dhaqameed kuwaasoo tiradooda aan la qeexin iyo shaqsiyaad kale oo dulaaliin ah kuwaas oo dhinacyada u kala dab-qaadaya.

Warbixinta ayaa ku soo aaday maalin kadib markii Wasaarada Arrimaha Dibada Soomaaliya iyo Cuba ay telefoonka uga wadahadleen qadiyadan, iyagoo is-weedaarsaday macluumaad ku saabsan meesha ay wax marayan iyo sida ugu fudud ee dhaqaatiirtaas xoriyadooda dhib loogu celiyo.

Sidda ku xusan warbixinta oo soo xiganeysa odayaasha dhaqanka, Al-Shabaab oo kiiska howlwadeenada caafimaad u aragta il ay dhaqaale ayaa dalbatay aduun dhan 1.5 milyan oo Doolarka Mareykanka ah.

Illaa haatan lama ogga meesha lagu hayo Assel Herrera Correa iyo Rodríguez Hernández, marka laga reebo in bishii May ee sanadkii 2019-kii lasoo wariyey in odayaal dhaqan ay kusoo arkeen degaan kamid ah dhulka Jubaland.

“Dhanka kale, Al-Shabaab waxay uga faa’iideysan kartaa haysashada dhakhaatiirta in ay u daaweeyaan dagaalameyaasha kasoo dhaawacma una tababaraan kuwa cusub iyagoo ay ilaalinayaan guutadooda Xarasa ee dusha kala socota maxaabiista iyo dhaqdhaqaaqa la-haysteyaasha” ayaa lagu yiri qormada bogga.

Assel Herrera & Landy Rodriguez waxaa xogtooda la waayay 12 April sanadkii hore 2019-kii oo ku beegan markii la afduubtay iyaga oo ku guda jira howlaha gargaarka bani aadamnimo ee deegaannada Kenya dhinaca Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More