Booliiska Soomaaliya maka jawaabay Cabashada Dadka

14

Degmooyinka Gobolka Banaadir waxaa si joogta ah dhac uga geysta kooxo qaarkood hubeysan isla markaana xiran dharka Ciidanka Soomaaliya, qayb ayaa wadata Mootooyinka Bajaajta loo yaqaan, kuwa labada lugood leh Fekon & kuwo kale oo wata Gawaarida nuuca raaxada ah.

- Advertisement -

Qaar kamid ah Shacabka Gobolka Banaadir oo qaarkood la kulmay dhaca kooxdaas geysato ayaa Mustaqbal u sheegay in ay ka qaateen Telefoonnada gacanta, Kumbiyuutarada gacanta lagu qaado Laptop & agabka kale ee gacan-qabsiga oo ay soo iibsadaan.

Qof kamid ah dadka dhaca loo geystay ayaa Mustaqbal u sheegay in uu la kulmay koox wadatay Qori & Bastoolad kuna amartay in uu dhigo Telefoon uu watay, inkasta oo aysan waxyeelo u geysan balse qofkaan ayaa sheegay in dadka qaar ay handadayeen.

Haddaba Taliska Booliiska Soomaaliya muxuu kala socdaa arrintaan?

S/guuto Sakiya Xuseen oo ah Taliye ku xigeenka Booliiska Soomaaliya oo qoraal soo dhigtay Barteeda Xiriirka Bulshada ayaa sheegtay in hay’adaha ammaanka Dowladda soo gaartay cabasho la xiriirta burcadda dadka furata.

Waxa ay dalbatay in lala xiriiro Hay’adaha ammaanka marka lala kulmo kooxaha dhaca geysanaya si loo qabto balse qaadista tallaabadaas ay ka horreyso wargelinta dhacdooyinka aysan ka dhaween Booliiska.

“Iyadoo malmihii la soo dhaafay isoo gaareen cabashooyin la xiriir xatooyo moobile iyo dhib kale loo geeystay dhalinyaro Soomaliyeed waxaan mar labaad bulshada Soomaliyees gaar ahaan kuwa dagan Gobolka Banadir soo xasuusinaayaa in numberka 991 wacdaan hada la kuluntaan dhib si ay saraakiisha howlgalada isla markii ay wax ka qabtaan” ayay tiri Sakiya Xuseen.

Degmooyinka Gobolka Banaadir waxaa ka howlgalla Ciidamo booliis ah qaarkood ku sugan Isgoysyada waa weyn ee Caasimadda, maadaama waddooyinka dhexmara Xaafadaha la xiray lana dhigay dhagaxaan.

Mustaqbal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More