RW Rooble oo maanta Safar dhulka ah ku tagaya Gaalkacyo. –
Raysul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble iyo mas’uuliyiin la socota ayaa maanta safar dhulka ah ku tagaya Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
- Advertisement -
Wafdi hordhac ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya isla markaana ay qayb ka yihiin Wasiiro katirsan DG Galmudug ayaa sii gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Diyaargarowga soo dhaweynta Maxamed Xuseen Rooble & wafdigiisa ayaa ka socota Magaalada Gaalkacyo, waxaana lasii diyaariyay dadka soo dhaweynaya iyo xarunta la dejinayo.
Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa 7-dii December 2020 waxa uu Saaxiibada Caalamka u sheegay in uu safar ku tagayo Garoowe, Dhuusamareeb & Gaalkacyo sabab salka ku heysa arrimaha Doorashada 20/21.
Raysul Wasaare oo qaaday saanqaadkii siyaasadeed ee ugu cuslaa ayaa ku guul-dareystay xal ka gaarista Cabashada DG Puntland iyo in maamulkaas uu soo gudbiyo Guddiga Doorashada ku metalaya.