Rio Ferdinand Oo Qalad Weyn Ku Tilmaanay In Xulka England Looga Soo
Rio Ferdinand ayaa aaminsan in Gareth Southgate uu ku qaldanaa inuu kabtanka Manchester United Harry Maguire ku darsado xulkiisa England ee ka qeybgalaya tartanka Euro 2020 ee xagaagan dhacaya.
- Advertisement -
Southgate ayaa shalay oo Talaado aheyd ku dhawaaqay 26ka xiddig ee England ku matalaya ciyaaraha Qaramada Yurub iyadoo Maguire lagu soo daray inkastoo uu dhaawac yahay.
28 jirkaan ayaa seegay shantii kulan ee ugu danbeysay ee Manchester United ee ay ku jirtay finalkii Europa League ee ay guuldarada ka soo gaartay ka dib dhaawac xun oo ka soo gaaray canqowga.
Weli ma cadda waqtiga uu Maguire taam ahaansho buuxda ku soo laabanayo isagoo seegi kara inta badan kulamada wareega group-yada, halyeeyga Man United Ferdinand ayaa ka cabsi qaba in kabtanka Red Devils uu ku dhibtoon doono inuu saameyn ku yeesho tartanka.
Ferdinand ayaa yiri: “England waxay u baahneyd daafac dhexe kale. Waxay taasi ii sheegeysaa in Southgate ay hubaal tahay inuu ku ciyaarayo seddex daafac danbe.
“Harry Maguire ma ahan xitaa mid taam ah, marnaba ma soo kaxeysteen Maguire. Ma tihid taam, ma noqoneysid taam muddo dheer sidaasi darteed ma aheyn go’aan caqligal ah.
“Waxaan qeyb ka ahaa kooxo ay ka mid ahaayeen ciyaartoy aan taam aheyn, waxayna ku dhibtoodeen inay ismuujiyaan.
“Waxay ku dhacday David Beckham iyo Wayne Rooney. Inkastoo uu Maguire uu fiican yahay hadana ma ahan Becks ama Wazza.
“Ma aheyn inuu u soo yeerto qof aan aheyn boqolkiiba 100 taam. Waa adag tahay in dhaawac laga soo laabto oo si fiican loo dheelo.”
Ciyaaraha Euro 2020 waxay bilaabanayaan 11ka bisha Juun, waxayna England kulankeeda ugu horeysa ciyaareysa labo maalmood ka dib iyagoo la dheelaya Croatia.