Real Madrid Iyo Barcelona Oo Ku Tartamaya

Kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ayaa lagu soo warramayaa inay ku tartamayaan saxeexa da’yarka garabka weerar ee kooxda Valencia ee Fabio Blanco sida lagu sheegay wargeyks AS.

- Advertisement -

17 sano jirkaas ayaa hadda heshiis kula jooga kooxda Valencia balse qandaraaskaas ayaa ah mid dhacaya dhammaadka xilli ciyaareedkan iyadoo ay Barca iyo Real labaduba wadahadalo la fureen.

Agaasimaha ciyaaraha Barcelona ee Mateu Elemany ayaa ah mid garanaya Blanco maadaama oo uu Valencia kasoo shaqayn jiray halka ay Madrid ahayd mid si dhaw xaaladiisa ula socotay muddooyinkan ugu dambeeyay.

Shaqsiyaad madax ka ah Valencia ayaa aaminsan in Fabio Blanco uu noqon karo “Ferran Torres-ka cusub” sababtoo ah inay isku qaab ciyaareed yihiin xiddigaas ay hore uga iibiyeen Manchester City.

Sidoo kale sida lagu sheegay warbixinta AS, qaar kamida tababarayaasha lasoo shaqeeyay Blanco mudada uu ciyaarayay ayaa aaminsan inuu noqon karo xiddiga xiga ee usoo baxa kubadda cagta Spain.

Barcelona iyo Real Madrid ayaa labaduba doonaya inay ku darsadaan kooxahooda da’yarta ee B-da balse ay kulamada xilli ciyaareedka ka horreeya la ciyaarsiiyaan kooxaha waaweyn.

Real Madrid ayaa ah mid aan markan guuldarro qaadan karin maadaama oo ay wali dareemayaan xanuunka ah inay sanadkii 2018 da’yarka Pedri u waayeen Barcelona oo uu hadda xiddig muhiim ah u yahay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More