RASMI: Man United Oo Heshiiskii Abid Ugu Qaalisanaa

Kooxda Manchester United ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday heshiis ay la gashay shirkadda Teamviewer oo ka dhigan inuu yahay midkii ugu qaalisanaa ee ay abid koox horyaalka Premier League ka ciyaartaa ku samayso maaliyada tababarkeeda.

- Advertisement -

TeamViewer oo ah shirkad ka shaqaysa arrimaha Tiknoolajiyada ayaa jagadaas kala wareegaysa shirkada kale ee Chevrloret oo ahayd mid maaliyada tababarka ee Man United ku suntan tan iyo sanadkii 2014.

Agaasimaha maamulka Man United ee Richard Arnold ayaa yidhi “Si aad u weyn ayaanu ugu faraxsanahay inaanu asaasayno wada shaqayntan anaga oo la shaqaynayna mid kamida shirkadaha ugu xiisaha iyo qul-qulka badan dunida dhinaca softwares-ka”

“Awooda isku xidhnaanta iyo wada shaqayntu marnaba ma aysan noqon mid sidan oo kale dunida muhiim ugu ah hadda kahor iyo bulshadayada 1.1 Milyan-ka ah ee jamaahiirta iyo kuwa nala socda ah”

“Waxaanu isha ku haynaa inaanu la shaqayno TeamViewer si aanu usoo noolayno himiladayada ku aadan iskaashi ku dhisan qaabab casri ah oo isku xidhaya dadka iyo ganacsiga”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More