RASMI: Arsenal Oo Shaqada Ka Caydhinaysa Tababaraheeda Taariikhda
Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa shaqada ka caydhinaysa tababaraheeda taariikhda dheer ku leh kooxda ee lasoo shaqeeyey Arsene Wenger, isla markaana guulihii ay kooxdu gaadhay qaybta ka ahaa.
- Advertisement -
Steve Bould oo ahaa tababaraha kooxda da’yarta ee U23 ee Arsenal ayaa shaqada laga caydhiyey sida ay warbaahinta Ingiriisku xaqiijiyeen.
Bould ayaa Arsenal u ciyaaray muddo 11 sannadood ah, waxaana sannadkii 2000 oo uu ciyaaraha ka fadhiistay loo magacaabay tababaraha kooxda da’yarta oo uu guulo badan soo gaadhsiiiyey.
Da’yarta Arsenal ee 18 jirrada ayaa uu u qaaday horyaalka Premier Academy Leavue sannadihii 2009 iyo 2010, kuwaas oo ku darsaday FA Cup Youth League xilli ciyaareedkii 2008-09.
Sannadkii 2012 ayuu tababarihii hore ee kooxdaas ee Arsene Wenger ka dhigtay ku-xigeenkiisa, waxaana uu shaqadaas tababare ku-xigeenka hayay muddo toddoba sannadood ah.
Bould ayaa sannadkii 2019 loo magacaabay tababaraha kooxda da’yarta ee U-23 ee Arsenal, waxaanu waqtigaas beddelay Freddie Ljungberg oo ka tegay naadiga.
Kaddib muddo 30 sannadood ah oo uu Steve Bould ku sugnaa Arsenal oo uu marna ciyaartoy u ahaa marna tababare heerar kala duwan iyo ku-xigeen ba kasoo noqday, waxa uu hadda shandaddiisa ka xidh-xidhay kooxdaas.
Wargeyska The Athletic ayaa xaqiijiyey in Steve Bould aanu kooxdaas lasii joogi doonin oo lagu wargeliyey in uu shaqada ka tegayo.
Sababta shaqada looga caydhiyey ayaa lagu sheegay, in kooxda da’yarta Arsenal ee uu tababaraha ka yahay ay xilli ciyaareed dhibaato badan soo martay oo ay kaalinta 10aad kaga jirto Premier League 2, taas oo xataa kasii hoosaysa heerka ay kooxda waaweyn ee Arsenal kaga jirto horyaalka Premier League.
Steve Bould ayaa ahaa tababarihii soo saaray ciyaaryahannada Bukayo Saka iyo Emile Smith Rowe sannadihii ugu dambeeyey/
Ma cadda qofka beddeli doona Steve Bould, laakiin Per Metesacker ayaa la sheegay in uu shaqadaas sii wadi doono.