Qaraxyo Ismiidaamin ah oo ka dhacay Baydhabo
Baydhabo (Axadle) Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in qof isa soo miidaamiyay uu isku qarxiyay saldhigga booliska ee magaaladaasi.
- Advertisement -
Qaraxa ayaa dhacay duhurnimadii meel ay ku sugnaayeen dad isugu jira mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, askar iyo dad shacab ah.
Kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garan ayaa toogasho ku dilay gudoomiyihii gobolka Baay Cali Wardheere.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in qaar ka mid ah ilaalada gudoomiyaha iyo dad kale oo shacab ah ay ku dhaawacmeen.
Xaalada ayaa kacsan waxaana socda howsha samatabixinta waxaana ciidamada amaanka ay wadaan baaritaano.