Inter Milan Oo 11 Dhibcood Hoggaanka Ku Qabatay, Ronaldo Oo Ka
Kooxda kubadda cagta Inter Milan ayaa sii dheeraysatay hoggaanka horyaalka Talyaaniga ee Serie A oo ay 11 dhibcood kaga qabatay AC Milan oo kusoo xigta.Tababare Antionio Conte ayay kooxdiisu kusii dhowaanaysaa in ay ku guuleysato horyaalka markii ugu horreysay tan iyo 2010kii, waxaana caawa saddexda dhibcood ka qaadatay Sassoulo kulan uu wacdaro dhigay Romelu Lukaku oo uu gool dhaliyey, mid kalena caawiye ka noqday.Horyaalka Talyaaniga oo dhamaadkiisa ay ka hadhsan tahay sagaal ciyaarood ayay Inter hoggaankiisa ku qabatay 11…