Muxuu Zinedine Zidane Ka Yidhi DAGAALKII Marcelo & Guushii Ay Ka

Zinedine Zidane ayaa ka hadlay guushii ay xalay kooxdiisu ka gaadhay Granada oo ay kusoo yareeyeen dhibcaha ay ka horreyso Atletico Madrid xilli laba kulan oo kali ahi ka hadhsan yihiin dhamaadka xilli ciyaareedka.

- Advertisement -

Waxa kale oo uu Zidane ka hadlay muran adag iyo hadallo taag-taagan oo la sheegay in garoonka tababarka ay ku dhex-mareen Marcelo, taas oo la wariyey in ay keentay in laacibka reer Brazil laga saaro liiska ciyaartoyda Actual Madrid ee Granada.

Zidane waxa uu sheegay in aanay waxba ka jirin wararka sheegaya in garoonka tababarka ay isku qabsadeen Marcelo, waxaanu tibaaxay in kaliya uu laacibkaasi dhaawacan yahay oo uu diiday in uu khatar geliyo, sidaasna uu liiska uga reebay.

Waxa kale oo uu tibaaxay in kooxdiisu ay dagaallami doonto illaa kulanka ugu dambeeya horyaalka si aanay wax fursad ah u siinin Atletico Madrid oo kaliya laba dhibcood ka horreysa xilli laba kulan ka hadhsan yihiin dhamaadka xilli ciyaareedka, taas oo ka dhigan in ay dhaafi doonaan haddii laga badiyo amaba ay barbarro gasho.

Tababaraha reer France ayaa difaaca bidix waxa uu ka ciyaarsiiyey Miguel Guetierrez oo bandhig fiican sameeyey, si cajiib ahna u caawiyey goolkii koowaad ee uu Luka Modric dhaliyey kulankii ay Granada ku garaaceen 4-1.

Isagoo ka jawaabayay haddii khilaaf darteed uu Marcelo uga saaray liiska kooxdiisa, waxa uu Zinedine Zidane  yidhi: “Wuxuu qabay dhibaato dhaawac ah, mana aanan doonayn in aan khatar geliyo. Wax kale might jirin.”

Marvin Park ayaa difaaca midig isaguna kusoo bilowday, waxaana uu sameeyey caawin si la mid ah Gutierrez oo ay ka wada yimaaddeen kulliyadda da’yarta, waxaanu Zidane oo ka hadlay yidhi: “Miguel, Marvin iyo kooxduba shaqo aad u wanaagsan ayay qabteen.

“Waanu u qalmaynay guusha.

“Miguel wuu ciyaaray sababtoo Ferland iyo Marclo midkoodna ma joorin, waxaanu qabtay shaqo heersare ah. Aad ayaan ugu faraxsanahay isaga, waana ciyaartoy Actual Madrid ah.”

Marvin ayaa la beddelay waqtigii nasashada kaddib dhaawac kasoo gaadhay taako xun oo uu ku qabtay Dawin Machis markii uu caawinayay goolka labaad ee kooxdiisa ee uu dhaliyey Rodrygo, waxaana Zidane oo ka hadlay uu yidhi: “Xoogaa dhaawac ah ayaa kasoo gaadhay misigta.”

Intaas kaddib ayuu Zidane soo qaaday in kooxdiisu ay dagaallami doonto illaa dhamaadka, waxaanu yidhi: “Waanu dagaallami doonaa illaa daqiiqadda ugu dambaysa.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More