Muxuu salka ku yahaa socdaalka Sheekh Shariif markii 2 aad
Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya sidoo kalana ah hoggaamiyaha madasha Xisbiyada.
- Advertisement -
Madaxweynihii hore ee Somaliya Shariif Sheekh Axmed & Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa smaanta dib ugu laabtay Magaalada Jowhar oo ay ka socoto ololaha doorashadda Hogaamiyaha maamulka Hirshabeelle ee Afarta sano ee soo socota.
Wafdiga Sheekh Shariif oo lagu soo dhaweeyay Caasimadda Hirshabeelle ayaa ka ambabaxeen Magaalada Muqdisho, kadib markii maalmo un ay mooganayeen Jowhar oo xarun u ah gobolka Shabeellaha dhexe.
Ujeedada ugu wayn ee socdaalka Hogaamiye Shariif ayaa Axadle fahamsantahay in uu yahay sidii madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle ahna musharax madaxweyne Cali Cabdulaahi Xuseen oo ay Shariifka isku hayb yihiin uu ugu qanci lahaa in uu iskaga haro doorashadda Hirshabeelle lana siiyo madaxweynaha maamulkaasi beesha Xawaadle oo horay u haysay madaxweynaha maamulkaasi.
Sheekh Shariif iyo hoggaanka dhaqanka Jowhar ayaa Cali Guulaawe ku cadaadinaya in uu haro kursiga ugu sareeya Hirshabeelle oo villa Soomaaliya doonayso in sanadkaan loo dhiibo Cali Guudlaawe Xuseen taas oo go’aami doonta qaabka wax loo qaybsanayo marka dhacayso doorashadda Faderaalka ee 2020/21.
Madasha Xisbiyada Qaran ayaa isku dayeysa in ay soo saarto shaqsiyaad taageersan dhankooda oo laga keenayo gobolka Hiiraan, maadaama laga fekerayaan awooda & galaangalka lagu yeelan doono doorashada Hogaamiyaha Somaliya ee dhawaan dhici doonta.
Ilo ku dhaw Sheekh Shariif ayaan ka soo xiganay in uu ku dadaalayo in madaxweynaha Hirshabeelle loo taliyihii hore ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalooshe oo ka mid ah xubnaha saamaynta badan ee aadka u dhaliila hogaanka Xukumadda Nabad iyo Nolol.
Socdaalka Sheekh Shariif uu maanta ku tagay magaaladda Jowhar waxaa ku wehlinaayay Sanbaloolshe.
Sheekh Shariif oo laba mar todobaadkaan gudihiisa iskaga daba laabtay Jowhar waxa uu warbaahinta u sheegay in sababta uu utagay in ay tahay xalinta tabashooyinka ka dhashay doorashadda Hirshabeelle, lana dhiso Maamul heshiis lagu wadayahay.
Beellaha gobolka Hiiraan ayaa wali ku adkaysanaya in Hogaamiyaha Hirshabeelle uu gaar u yahay gobolka Hiiraan aysana ahayn in loo wadata tartamo.