Mushaharka, Muddada Iyo Faahfaahin Dheeraad Ah Oo Laga Helay Heshiiska

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa heshiis la gaadhay weeraryahanka reer Argentina ee Sergio Aguero oo uga imanaya Manchester Metropolis dhamaadka xilli ciyaareedkan.

- Advertisement -

Wali si rasmi ah looguma dhawaaqin heshiiska Sergio Aguero ku tegayo Barcelona, laakiin warbaahinta Spain ayaa heshay faahfaahin la xidhiidha qandaraaska  uu saxeexayo, kaas oo Camp Nou ku haynaya muddo laba sannadood ah.

32 jirkan oo tobankii sannadood ee ugu dambeeyey u ciyaarayay Manchester Metropolis, ayaa kasoo baxaya Etihad Stadium iyagoo xilli ciyaareedkan kula soo guuleystay horyaalka Premier League iyo Carabao Cup, sidoo kalena waxa suurtogal ah in uu ku darsado koobkiisii ugu horreeyey ee Champios League ah maadaama ay kooxdiisu taagan tahay finalka oo ay dhamaadka bishan la ciyaari doonaan Chelsea.

Sida ay sheegtay warbaahinta beteve, Barcelona ayaa mar horeba heshiis la gashay Aguero, kaas oo aan wax kharash ah ku kacaynin kooxda reer Spain maadaama uu si xor ah ugu soo biirayo.

Warka ayaa intaa ku daray, in Sergio Aguero iyo Barcelona ay isla ogolaadeen heshiis laba sannadood ah oo uu Camp Nou ku joogayo, waxaanu xilli ciyaareedkii qaadan doonaa shan milyan oo Euro, taas oo ah lacag aad uga hoosaysa mushaharkiisii Man Metropolis.

Barcelona ayaa waxay saxeexa Aguero uga gol-leeydahay sidii ay isaga ugu adeegsan lahayd in uu Lionel Messi ka dhaadhiciyo in uu sii joogo Camp Nou maadaama uu heshiiskiisu dhamaanayo bisha June, illaa haddana aanu ogolaanin in uu qandaraas cusub saxeexo.

Kabtanka Barcelona ee Messi ayaa waxay saaxiibbo dhow yihiin Aguero oo ay xulka qaranka Argentina sannado badan usoo wada ciyaarayeen, waxaanu noqon karaa mid ka dhaadhiciya in aanu ka bixin Camp Nou.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More