MSF Mise MSJ? – Saddexda Weerar Ee Ay Ugu Wanaagsan Tahay
Liverpool ayaasaddexlaydii weerarka ee ay hore u haysatay ee Sadio Mane, Mohamed Salah iyo Roberto Firmino oo magacooda loosoo gaabiyo MSF, waxay xagaagii kusoo kordhisay xiddiga kale ee weerarka ee Diogo Jota oo bandhig cajiib ah ka sameeyey kulamo uu kaydka ku jiray kaddib.
- Advertisement -
Laacibka reer Portugal ayaa afar gool ka dhaliyey laba ciyaarood oo Champions League ah oo uu kusoo bilowday, sidoo kalena wuxuu ahaa ciyaartoyga qiimaynta goolasha ugu sarreeyey kooxda marka loo eego daqiidaha kooban ee uu ciyaaray.
Sidaas oo ay tahay, Diogo Jota wuxuu ka hooseeyaa heerka saddexda ciyaartoy ee kale ee uu kooxda ugu yimid ee Mane, Salah iyo xataa Firmino oo aan gool-dhalin badan lahayn balse shaqo badan ka qabta garoonka dhexdiisa, sidaa waxa rumaysan xiddigii hore ee khadka dhexe ee Liverpool iyo Real Madrid ee Steve McManaman.
Halyeygan reer England waxa kale oo uu sheegay in Liverpool ay qaabka ugu wanaagsan ku sugan tahay marka ay garoonka ku wada jiraan MSF oo sannadihii ugu dambeeyey si wada-jir ah afka hore uga wada shaqaynayay.
Dadka qaarkood ayaa waxay soo jeedinayaan in tababare Jurgen Klopp uu kaydka ku qabto Firmino, isla markaana uu boos joogto ah siiyo Jota, balse McManaman waxa uu dareensan yahay in aanay taasi macquul ahayn, waxaanu yidhi: “Waxay ila tahay in Jurgen Klopp uu jecel yahay, iskuna sii hallayn karo Firmino, Mane iyo Salah waqtigan, inkasta oo uu Jota yahay ciyaartoy heersare ah.
“Waxaan rumaysanahay in Jota uu kasii mid ahaan doono ciyaartoyda aan booska joogtada haysanin, balse haddii uu sii wado qaab-ciyaareedkiisa waxbaa isbeddeli kara, laakiin saddexda kale ayaa kusoo wada-guuleystay horyaalka, sidaa darteed, wuxuu ogyahay (Klopp) inuu iyaga aad u rumaysan yahay.”
McManaman waxa uu tibaaxay in walaaca kaliya ee ka haysta kooxdiisa hore ay tahay khadka difaaca ee ay ka dhaawacan yihiin Virgil van Dijk iyo Joe Gomez, waxaanu yidhi: “Waxay ila tahay in meesha kaliya ee ay ka wiiqan yihiin ay tahay difaaca dhexe. Meelaha kale oo dhan way wanaagsan yihiin.”