“Miyaad Heshiis La Gaartey Barcelona?” – Xiddiga
Khadka dhexe ee xulka qaranka Netherlands iyo kooxda Liverpool ee Georginio Wijnaldum ayaa ka hadlay wararkii dhawaan soo baxay ee sheegayay inuu heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda Barcelona isla markaana uu heshiiska xorta ah kaga baxayo Anfield suuqa xagaaga.
- Advertisement -
Xiddiga Dutch-ka ah ayaa si xoogan loola xidhiidhinayay heshiis uu ugu wareegayo Barcelona oo uu dib ugula midoobayo tababarihiisii hore ee xulka ee Ronald Koeman.
Haatan Gini Wijnaldum oo la hadlay muuq-baahiyaha xulka qaranka ee NOS ayaa sheegay inuusan gabi ahaanba wax war ah ka haynin mustaqbalkiisa balse uu ka hadli doono marka uu xog ka helo.
Georginio ayaa isaga oo wararka sheegaya inuu heshiis la gaadhay Blaugrana yidhi “Idinku (Saxaafada) markasta waxaad ka hadli doontaan waxyaabahaas ku saabsan mustaqbalkayga”
“Laakiin sida aan marar kale sheegay, anigu wax war ah ma hayo wali, marka uu war yimaado waan ka hadli doonaa laakiin wax war ahi ma jiro hadda waxaan halkan u joogaa inaan ka hadlo kulamada Turkey, Latvia iyo Gibraltar”
Wargeyska The Sunday Times ayuu ahaa midkii shaaciyay warka sheegaya in Wijnaldum uu durtaba lasii heshiiyay Barcelona oo uu qaab bilaash ah ugu wareegi doono.