Midkee Ayuu La Saftay? Karim Bezema Oo Ka Hadlay Dagaalka Kylian
Karim Benzema ayaa noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee xulka Faransiiska ka tirsan ee si cad uga hadlay eedaynta ay warbaahinta isku marinayaan Kylian Mbappe iyo Olivier Giroud, waxaana hore uga gaabsaday inuu arrintan ka hadlo Paul Pogba.
- Advertisement -
Olivier Giroud ayaa deggenaansho la’aan ka dhex-abuuray qolka lebbiska xulka Faransiiska kaddib markii uu warbaahinta ka sheegay in ciyaartoyda weerarku aanay siinayn kubadda xilliyada uu haysto fursad uu gool ku dhalin karayo, waxaana arrintan ka cadhooday Kylian Mbappe oo ay warbaahintu sheegtay in isaga loola jeeday hadalkan.
Mbappe ayaa muujiyey sida uu uga cadhaysan yahay hadalkan, isagoo diiday inuu la dabbaal-dego ama wax dareen ah u muujiyo Giroud oo gool dhaliyey kulankii saaxiibtinimo ee u dambeeyey, waxaana mar uu shalay warbaahinta la hadlay uu sheegay in Giroud uu ku qaldanaa in saxaafadda uu kaga hadlo wixii ay ahayd in qolka lebbiska dhexdiisa uu ku sheego.
Waxa kale oo uu Mbappe ku dooday inay si joogto ah u wada-hadlayeen Giroud wax cabasho ahna aanu u sheegin, balse uu warbaahinta ka maqlay saaxiibkii oo cabanaya, taasna uu aad u dhibsaday.
Si kastaba, Karim Benzema oo aanay isku fiicnayn Olivier Giroud, horena ay warbaahinta eedaymo iskugu mariyeen ayaa wax laga weydiiyey xiisadda u dhaxaysa labada weeraryahan ee ay afka hore uga wada ciyaaraan xulka qaranka Faransiiska.
Benzema ayaa ciyaaray door diblomaasiyadeed, waxaana uu sheegay in ciyaartoyda garoonka ku jirta ay is tuhumayaan, isagoo yidhi: “Haddii kubadda aad mar walba hesho, waad u yeedhanaysaa, isla sidii ayuun baanad tahay.
“Weeraryahannadu waxay yidhiaahdaan: ‘Mar walba waan odayaa laakiin kubaddu dhexda ayay taallaa.’ Dhexduna waxay sheegayaan in mar walba kubadda weerarka loo geynayo.
“Mararka qaarkood, kubaddu hore uma soo soconayso, mararka qaarkood waxay ku xidhan tahay dhaqdhaqaaqa. Laakiin tami maaha cambaarayn Kylian ama cid kale ah.”