Maxay U Baahan Tahay Manchester United Si Ay Ugu Soo Baxdo

Guuldaradii Manchester United ka soo gaartay Paris Saint-Germain xalay ayaa halis geliyay rajadooda inay u soo baxaan wareega 16ka Champions League laakiin ma ahan qasaaro weyn.

- Advertisement -

Kooxda Ole Gunnar Solskjaer la geliyay group-ka geerida markii isku aadka la sameeyay bishii October laakiin markii ay garaaceen PSG iyo RB Leipzig labadii kulan ee ugu horeysay ayaa ka dhigtay inay ugu cadcad yihiin inay soo baxayaan.

Musiibo ayaase soo wajahday markii ay guuldarro ka soo gaartay kooxda Istanbul Basaksehir laakiin waxay badiyeen kulankii Old Trafford ee kooxda Turkiga iyagoo hal dhibic uga baahnaa labada kulan ee u harsaneyd.

Xalay, Neymar ayaa labo gool ka dhaliyay iyadoo Fred casaan laga siiyay qeybtii labaad taasoo ka caawisay PSG inay 3-1 ku badiyo, waxayna United haatan u baahan inay wax uun ka hesho kulanka ay martida u tahay Leipzig isbuuca soo socda.

Sida ay ku soo bixi karaan waa si sahlan, guul ama barbaro waxay u soo saareysaa wareega 16ka Champions League wax kasta oo dhaca.

Waxaa taasi sabab u ah inay Leipzig ku soo garaaceen 5-0 kulankii Old Trafford iyadoo kala sareynta wareega group-yada Champions League lagu go’aansado kulamada fool ka foolka ah oo aan lagu go’aansanin farqiga goolasha, haddii United iyo Leipzig ay isku dhibco noqdaan waxaa soo baxeysa United.

Guuldarro kasta oo soo gaarta Man United waxay la micno tahay inay harayaan oo ay u dhacayaan Europa League bilowga sannadka cusub.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More