Maxaa Xalay Kala Qabsaday John Terry & Taageerayaasha Tottenham? Spurs

Caawiyaha tababaraha Aston Villa John Terry ayaa taageerayaasha Spurs hortooda wuxuu tilmaam ku bixiyay inuu dhowr koob kor u soo qaaday ka dib markii ay ku heeseen in daafacoodii hore Ledley King uu ka fiican yahay isaga.

- Advertisement -

Waxay aheyd habeen xun oo soo maray kooxda martida lavatory ahaa ee Tottenham kuwaasoo ay guuldarro 2-1 ka soo gaartay Aston Villa ka dib goolal ay kala dhaliyeen Ollie Watkings iyo gool uu iska dhaliyay Sergio Reguilon.

Ciyaaryahanadda Spurs ayaa xitaa lagu ooriyay labadii qeyb ee ciyaarta madaama ay soo bandhigeen ciyaar aad u liidatay.

Iyadoo uu soo baxayo warka ku saabsan in Harry Kane uu ka tagayo kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan, waxay Spurs sii galeysa waqti mugdi ah.

Tilmaamtii uu Terry ku aamusiyay taageerayaasha Tottenham ka hor waqtigii nasashada ee kulankii xalay ayaa marqaati u ah sida ay kooxdaan ugu guuldareysatay inay wax koob ah soo xerogeliso.

Daaficii hore ee Chelsea ayaa ka jawaab celinayay hees ay qaadayeen taageerayaasha Tottenham oo sheegayay in daafacoodii hore Ledley oo hal jilib ka xanuunsanaa inuu ka fiican yahay John Terry, wuxuuna Terry uga jawaab celiyay inuu koob mala awaal ah kor u qaaday isagoo muujinaya abaarta koobabka ee Spurs.

Terry ayaa cusbo sii mariyay dhaawaca Tottenham isagoo Instagram ku soo qoray in garoon walba oo ay Tottenham u guurto in seddexda dhibcood ay dhankiisa tahay.

“Garoon ka duwan kii hore. Sheeko isku mid ah. Seddex dhibcood” ayuu soo qoray.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More