Lionel Messi ayaa ka jawaabaya
Lionel Messi ayaa faallo ka bixiyay hadaladii Neymar ee ahaa inuu jeclaan lahaa inuu la ciyaaro kabtanka Barcelona xilli ciyaareedka soo socda marka uu qandaraaska Messi dhacayo 30ka June.
- Advertisement -
Neymar ma uusan sheegin kooxda uu jeclaan lahaa inuu dib ula midoobo Messi inkasta oo la isla dhexmarayo inuu u dhaqaaqayo Paris Saint-Germain.
“Waxa ugu badan ee aan doonayo waa inaan markale la ciyaaro isaga,” ayuu yiri Neymar. Waxaan doonayaa inaan la ciyaaro Messi, xaqiiqdii waa inaan sameynaa sanadka soo socda. ”
Wareysiga uu siiyay La Sexta, Messi ayaa la weydiiyay inuu ka jawaabo hadalada Neymar isla markaana uu diirada saaro dhibaatooyinka dhaqaale ee Barcelona.
Aad ayey u adkaan doontaa in la helo ciyaartoy tayo leh maxaa yeelay ma jiraan wax lacag ah. ” qirtay Messi.
“Waa inaan keennaa ciyaartoy wanaagsan oo aan u dagaalannaa wax walba laakiin waa inaan bixinaa, sideen ku bixin karnaa PSG, keenista Neymar waxay noqon doontaa mid aad qaali u ah”.
Markii wax laga waydiiyay hadalada Neymar ee ku saabsan in la wada ciyaari doono xilli ciyaareedka dambe, Messi ayaa sheegay in ay wali isku dhaw yihiin.
“Ma aqaano hadii uu dhaho sanadka soo socda inaan wada ciyaari doono,” 33 jirkaan ayaa ku jawaabay. Waxaan u maleynayaa inuu yiri waan jeclaan lahaa. Waa inaad weydiisaa sababta uu sidaas u yiri.
“Isaga iyo Luis Suarez waxay kujiraan WhatsApp groupka waana wadahadalnaa waqti ka waqti. Fariintii ugu dambeysay waxaan ka wada hadalnay isku aadka Champions League. Midkeenna ma uusan dooneyn inuu u aado midka kale. “hadii aysan fiicneyn, waa nala ixtiraami lahaa taariikhdooda. Waxay noqon doontaa ciyaar isku dheeli tiran.”
Waa wax cajiib ah in Messi uusan waligiis u sheegin Barcelona inay sii joogaan ama ka baxaan wareysiga.