Xuseen Macallin: Amniga Muqdisho waxaa lagu gaaraa

Muqdisho (Axadle) – Xuseen Macalin Maxamuud oo hadda ah madaxa Hay’adda Cilmi baarista ee Hiraal ayaa walaac badan ka muujiyey in amniga Soomaaliya uu kasii dari karo, haddii ay baxaan ciidamada Midowga Afrika ee ku howl-gala magaca AMISOM.

Xuseen Macalin ayaa ku doodaya in ciidamada Soomaaliyeed aysan wax badan ka tarin dagaalka Al-Shabaab, islamarkaana ilaa hadda ay ku sugan yihiin keliya inta ay qabteen ciidamada AMISOM.

“Magaaladaan (Muqdisho) amniga ay ku joogto ee asalka ah waa amni go’aanadeeda laga soo gaaray New York iyo Addis Ababa, oo na lagu keenay nimankaan loo yaqaano AMISOM, dabcan nimankaas waa kuwa la biilo oo go’aanadooda laga keeno meelo kale, laakiin waa cida ugu gacanta weyn oo lagu kala cabsado,” ayuu yiri Xuseen Macalin.

“Tobankii sano ee ugu dambeysay Shabaab inta ay ka qabsadeen waa intii ay qabteen (AMISOM), hal magaalo oo dowladda Soomaaliyeed ay kala wareegtay ma jirto, haddii ay dhacdana waa kuwo ay dib ula wareegtay.”

Sidoo kale waxa uu ku baaqay in wax laga bedelo nidaamka dowladeed iyo ciidamada, si looga maarmo ciidamada shisheeye, islamarkaana howsha badankeeda ay qabsadaan umadda Soomaaliyeed.

Hadalka Xuseen Macalin ayaa imanaya xili uu soo baxayo walaac laga qabo in Soomaaliya ay ka dhacdo wixii dhawaan ka dhacay Afghanistan, kadib marka ay ciidamada shisheeye ka baxaan dalkeena.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More