Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Qadar tagay. –

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Xil-gaarsiinta Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji & wafdi la socda ayaa tagay Magaalada Dooxa Caasimadda Dalka Qadar, waxaana soo dhaweeyay mas’uuliyiin katirsan Safaaradda Soomaliya ee Dalkaas.

Ujeedka si dhab ah looma sheegin, waxaase jira warar soo baxay oo sheegaya in Xukuumadda Dooxa ay gacan ka geysanayo qorshaha dib u dhiska Ciidanka Soomaaliya & kala shaqeynta sugidda amniga oo baahi weyn ay u qabto Dowladda Muddo xileedkeedu dhammaaday.

Qoraal lasoo dhigay Barta Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Wasiir Xasan uu soo dhaweeyay Danjiraha Soomaaliya ee Qadar Cabdirisaaq Faarax Cali (Taano) & u qaybsanaha arrimaha Ciidanka ee Safaaradda Gen. Maxbuub Xasan Cabaade.

Wafdiga Wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay qaabilaan mas’uuliyiin dhanka Ciidanka ah oo katirsan Xukuumadda Dooxa si ay uga wadahadlaan qorshaha dib u dhiska Ciidamada Xoogga Dalka & kaalinta Qadar ay ka geysan karto.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Xil-gaarsiinta Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji & wafdiga la socday waxaa laga galbiyay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Hamad si ay ula kulmaan Hogaamiyayaasha u ballansan.

Qadar ayaa bixineysa Mashaariic dhismo u badan sida wadada xiriirisa Muqdisho Afgooye oo gabo-gabo ah, dhabbaha Caasimadda ku xira Degmada Jowhar ee xarunta DG Hir-Shabeelle, Dekedda Hobyo & kuwo kale oo aysan weli ku dhaqaaqin fulintooda Xukuumadda Dooxa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More