Wararkii ugu dambeeyay ee Qudus – Israa’iil oo ka baxday Al-Aqsa iyo duqeyntii Qaza – Axadle

Qudus (Axadle) – Ciidamada Israel ayaa lagu soo waramayaa inay ka baxeen Masjidka Al-Aqsa ee magaalada Qudus kadib maalmo rabshado ay socdeen boqolaal Falastiiniyiin ahna waa la dhaawacay, halka ciidamada Yuhuuda ay sii wadaan duqeynta Gaza.

Ka bixitaankooda ayaa yimid kadib markii kooxda xagjirka ah ee Islaamiga ah ee Xamaas ay u qabatay waqti ay ciidamada uga baxaan Masaajidka Al-Aqsa iyo tuulada Xaaji Sheekh Jarah ee Bariga Qudus.

Ciidamada Israel ayaa sidoo kale sii wada duqeymaha ay ka geysanayaan marinka Qaza weerarada cirka iyo badda.

Milatariga Israel ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay inay duqeeyeen in ka badan 130 goobood oo ku yaal Gaza, oo ay ku jiraan ciidamada sirdoonka militariga ee Xamaas, sida ay hadalka u dhigeen

Laakiin duqeynta inteeda badan waxaa lala bartilmaameedsaday goobo ay deganaayeen dad rayid ah, kii ugu dambeeyay ee saakay dhacay waxaa ku dhintay labo qof oo rayid ah halka ay ku dhaawacmeen 100 kale Tani waxay daba socotaa qaraxii Isniintii lagu dilay 24 Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan sagaal carruur ah.

Warbaahinta Falastiiniyiinta ayaa tabisay in ciidanka Israa’iil ay fuliyeen 130 weerar, 40 ka mid ah la qaaday subaxnimadii hore ee Talaadada.

Qaar ka mid ah dalalka adduunka ayaa ku baaqay in la dejiyo xiisadda sii kordheysa ee Israa’iil iyo Falastiin.

Mareykanka, Midowga Yurub iyo Boqortooyada Ingiriiska waxay ugu baaqeen Israel iyo Falastiiniyiinta inay isdajiyaan.

Xiisadda ayaa cirka isku shareertay habeenimadii Isniinta kadib markii Falastiiniyiinta ay gantaallo ku garaaceen qeybo kamid ah magaalada oo ay Israa’iil qabsatay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More