Wakiilada Beesha Caalamka iyo Hogaamiyaha Farmaajo oo Kulmay

Hogaamiyaha waqtigiisu dhammaaday ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo xubno ka socda beesha caalamka ayaa kulan gaar ah ku leh magaalada Muqdisho.

Kulankan oo ahaa mid aan horey loo sii shaacin ayaa yimid kadib wada hadalo toos ah oo ay yeesheen qaar kamid ah ergada shirka ka qeyb galeysa iyo Madaxtooyada Soomaaliya oo looga hadlay xiisada siyaasadeed

Beesha Caalamka ayaa si weyn uga soo horjeesatay go’aankii Hogaamiyaha ee Baarlamaanku 12kii Abriil 2021 ee uu ku joojiyey wadahadallada ku saleysnaa heshiiskii ay wada gaareen 17kii Sebtember 2020 ee ay gaareen hogaamiyayaasha federaalka iyo dowlad goboleedyada ee ku saabsan doorashooyinka dalka.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa ku adkeystay in wadahadalada doorashada ay salka ku hayaan heshiiskii 17-kii September, 2020 lagu gaaray magaalada Muqdisho iyo shirkii dhexmaray Guddiga Farsamada ee heer Federaal, heer Dowlad Goboleed iyo Gobolka Benaadir 16-kii Febraayo ee lagu qabtay magaalada Baydhabo.

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale marar badan ku celcelisay in aysan taageeri doonin go’aan hal dhinac ah, ismari waaga siyaasadeed iyo talaabo ka baxsan xuduudaha heshiiska doorashada oo soo maray marxalado kala duwan si heshiis looga gaaro saxiixayaasha.

Haddaba, maxaa ka dhalan kara shirkii madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday iyo wakiillada beesha caalamka ee ka furmay xarunta Afisiyooni?.

Waxaa dhicii karta in madaxweynaha mudo xileedkiisa uuu dhammadey in ay beesha calaamka ay cadaadis ku saarto sidii uu uga laaban laha dalkan ugu hogaamin laha doorasho loo dhan yahay

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More