Waddani iyo UCID oo kala qeybsaday xilalka maayarada – Yaa l…

Hargeysa (Axadle) – Xisbiyada mucaaradka ee ka jira deegaanada maamulka Gobaladda Waqooyi, gaar ahaan Waddani iyo UCID ayaa ugu dambeyn heshiis ka gaaray cidda qaadaneya Duqa magaalada Hargeysa oo tartan adag loogu jiray maalmihii lasoo dhaafay.

Feysal Cali Waraabe oo ah guddoomiyaha xisbiga UCID oo la hadlayey Wariyeyaasha ayaa shaaca ka qaaday inay doorashada ka hiore mucaaradka heshiis ka gaareen awood qeybsiga siyaasadeed ee Gobaladda Waqooyi, isla-markaana lagu heshiisyey in Maayarka Hargeysa la siiyo UCID, halka guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somlailand loo daayey xisbiga Waddani.

“Korsigan horta Maayarka sida madaxweynayaasha looma doorto ee xisbi ayuu ka soo baxaa marka axsaabta ayaa soo saarta qofka noqonaya Maayarka iyo Maayar ku xigeenka,” ayuu yiri guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Gobaladda Waqooyi ee UCID.

Sidoo kale Feysal Cali Waraabe oo ay hareero taagan yihiin musharraxiinta kala ah, Cabdikariin Axmed Mooge iyo Saciid Cabdisamad (Saciid Colay) oo  kala metalaya xisbiyada mucaaradka ayaa sheegay inuu tanaasulay Siciid oo u sharraxnaa UCID, isaga oo sheegay inay u daayeen Maayarka Hargeysa Mooge oo ahaa musharraxii ugu codka badnaa.

“Korsigan horta kursi UCID ayuu ahaa aan idin warramee annaga iyo Waddani horey ayaan u heshiinay inay qaataan guddoomiyaha Golaha Wakiilada, annaguna Maayarka Hargeysa,”.

Waa kale oo uu intaasi kusii daray “Cabdikariin Axme Mooge Aabihiis ayaan saaxibo aheyn ilaahey ha u naxariistee waa inankeygii ayuu taagan yahay saaxibno waa aheyn marka uu ku jiray ololaha doorashada oo hore ayaan u taageeray,”.

Siciid Colay ayaa noqonayaa musharraxii saddexaad ee u tanaasula Cabdikariin Axmed Mooge oo u taagan qabashada xilka Duqa magaalada Hargeysa ee Axadle Gobaladda Waqooyi.

Si kastaba Gobaladda Waqooyi ayaa waxaa dhowaan ka dhacday doorasho taariikhi aheyd oo isugu jirtay tan golayaasha deegaanka iyo mida Golaha Wakiilada ee maamulkaasi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More