RW Rooble oo gaba-gabeeyay wadatashiga magacaabista

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo wadatashiyo maalmihii lasoo dhaafay ka sameynayay magacaabista Xukuumadda laga sugayo ayaa soo gaba-gabeeyay kulamadaas talo gelinta ah.

Sida ilo xog ogaal ah Axadle ay u xaqiijiyiin Rooble ayaa ku dhawaaqaya Golihiisa Wasiirada 48-ta saac ee soo socota si uu u horgeeyo Baarlamaanka Federaalka oo kalsoonida shaqada xukuumadda gacanta ku haya.

Rooble ayaa qaar kamid ah Wasiiradii Xukuumaddii Xasan Cali Khayre kusoo daraya Wasiiradiisa cusub, halka qaybaha bulshada uu ka keenayo qaar kamid ah Wasiirada sida Axadle ay u xaqiijiyeen ilo ku dhaw Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha 20-aad ee Soomaaliya soo maray.

Wadatashiyada intooda badan waxa uu ku saabsanaayeen tayada Xukuumaddiisa, maadaama muddo kooban oo shaqo culus la qabanayo ay u harsan tahay xil heynta dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Marka uu ku dhawaaqo Wasiiradiisa, isla todobaadkaan waxa uu geynayaa Golaha Shacabka BFS oo uu madaxweyne Farmaajo ka dalbaday in Sida Rooble oo kale codka kalsoonida loo siiyo Xukuumadda laga sugayo.

Xukuumadda Rooble waxaa horyaalla Dhaqangelinta doorashada dalka 20/21-ka oo la aadayo bilaha November, December, Janaayo ilaa 8-da Febaraayo oo la dooranayo Hogaamiyaha Soomaaliya ee afarta sano soo socota.

Axadle                          

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More