Ra’iisul Wasaaraha magacaaban oo la kulmay RW GuulLeed iyo Xildhibaano DFS.

Siihayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo Ra’iisul wasaaraha magacaaban ee Maxamed Xuseen Rooble.

Siihayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya ayaa maanta oo axad ah la kulmay Ra’iisul wasaaraha magacaaban ee dalka Maxamed Xuseen Rooble.

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha iyo xildhibaannada wehliyay ayaa Ra’iisul Wasaaraha magacaaban u hambalyeeyay una muujiyay taageero iyo garab istaag.

Kulankaan ayaa waxaa uu ahaa mid isbarasho iyo is-xog wareysi ah maadaama Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban uu yahay Shaqsi siyaasadda ku cusub sidoo kale aan weli helin kalsoonida Baarlamaanka.

Sida ay xog ku heshay Axadle Hogaamiye Soomaaliya ayaa maalinta Berri ah Ra’iisul Wasaaraha magacaaban horgeyn doono Golaha Shacabka si codka kalsoonida loogu waydiiyo Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanada beesha Shanaad ku matala Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sidoo lakulmay Ra’iisul wasaaraha magacaaban waxa ayna u muujiyeen taasi sida ay sheegtay Khadiijo Maxamed Diiriye sii hayaha Wasiirka dhalinyarada iyo Sports Xukumada Faderaalka Soomaaliya kana mid ah guddiga loo xilsaaray qaban qaabada xaflada xilwareejinta Ra’iisul wasaaraha.

Ku dhawaad labo bil oo dalka ay maamulaysay Xukumad xilgaarsiin ah Hogaamiye Soomaaliya 17 September 2020 magacaabay Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble oo haysta mudo kooban marka loo eego mudo xileedka Dowladda u harsan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More