Muxuu Yahay Ujeedka Guddiga Ay kala Qeybsadeen Saamileyda Dalka

Muqdisho (Axadle) – Guddiga wadajir oo kala metalaya golaha wada-tashiga qaran iyo midowga musharixiinta ayaa lagu dhowaaqay, kadib markii xalay labada dhinac kulan gaar ah ku yeesheen Caasimadda Muqdisho, kaas oo looga hadlay doorashooyinka.

Guddigan ayaa waxaa ka kooban illaa lix xubnood oo ka kala socda labada dhinaca, waxayna kala yihiin madaxweynayaasha Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni), Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) iyo Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), halka musharixiinta mucaaradka ay guddigan ku metalayaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Daahir Maxamuud Geelle.

Ujeedka loo aas aasay guddigan ayaa ah sidii turxaan bixin loogu sameyn qodobada ay cabashada ka keeneen musharixiinta ee ku jira habraaca lasoo saaray ee doorashada.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo la hadlay BBC-da ayaa shaaca ka qaaday ayaa ka warbixiyey shaqada guddigan & kulankii u dhexeeyey labada dhinac ee qabsoomay.

“Fariimo nooga yimid Golaha wadatashiga qaran ayaan ula fadhiisan Madaxda Dowlad-Goboleedyada, kaddib waxaa nagu soo biiray Ra’iisul Wasaaraha oo aan kawada hadalnay turxaan bixinta cabashooyinka aan ka qabnay habraaca doorashooyinka, ” ayuu yiri.

Sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa intaasi ku sii daray “Meelaha sida gaarka ah aan u tilmaamnay ee cabashadu ka taagan tahay waa qaabka xulista odayaasha dhaqanka, ergooyinka, lacagta diiwaangelinta, Bulshada rayidka kaalinta ay ka qaadanayaan, hubinta ergooyinka iyo qodobo kale oo culeys uu ka jiro”.

Dadaalladan ayaa lagu doonayaa in xal kama dambeys ah looga gaaro cabashada midowga musharixiinta oo ka horjeestay qodobadkii kasoo baxay shirkii wada-tashiga Muqdisho.

Si kastaba, is qab-qabsigan u dhexeeya mucaaradka iyo golaha wada-tashiga qaran ayaa ku soo beegmaya, xilli xasaasi ah oo la guda-galayo doorashada xubnaha golaha shacabka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More