Maxaa looga hadlayaa Kulanka Golaha Shacabka ee maanta? –

Xildhibaannada Golaha Shacabka BFS ayaa loo diray Ajendaha kulankooda maanta oo Isniin ah kuna beegan 02/11/2020, waana laba qodob oo aqrin & dood ku geliyeen kalfadhigii 7-aad ee usoo idlaaday todobaadkii tagay.

Mudanayaasha Golaha Shacabka waxaa maanta horyaalla:

Aqrinta 3-aad & u codeynta Hindise Sharciyeedka Hay’adda Diiwaangalinta iyo bixinta Aqoonsiyadda oo dood badan ka keeneen xildhibaannada qaar, maadaama Hindisahaan uu muhiiml u yahay keydinta xogta muwadinta.
Aqrinta 2-aad ee Hindise Sharciyeedka Socdaalka Soomaaliya oo mudanayaal katirsan Golaha Shacabka BFS Dhaliileen sida loo hagayo, isla markaana su’aal geliyay qaabka loo bixinayo aqoonsiga safarka.

Golaha Shacabka ayaa dadejinaya ajendayaal kala duwan oo horyaalla, guddoonka Baarlamaanka ayaa sheegay in shuruucdaan muhiim ay u yihiin meel-marintooda kahor inta aan la guda-gelin doorashada 20/21.

Waa fadhigii 3-aad oo ay Xildhibaannadu ka yeeshaan Kalfadhigooda 8-aad oo si toos ah u furmay Isniintii Todobaadkii hore oo ku beegneed 26-ka Oktoobar 2020, maalin kadib Ansixinta Xukuumadda Raysul Wasaare Rooble.

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More