Mareykanka dib u xusuusanayo 27-sano kahor Askar looga dilay

Mareykanka waxaa Soomaaliya Looga dilay Askar katirsaneed howlgalkii Qaramada Midoobay ee Rajo soo celinta, waxaana ka qaybgalay Dowlado dhowr ah oo ay shukaanta u heysay Xukuumadda Washington sanadkii 1993-dii.

3-dii Oktoobar sanadkii 1993-dii maanta oo kale waxa uu isku dhac dhexmaray Ciidamadii Mareykanka ahaa Taageerayaashii Janaraal Maxamed Faarax Caydiid oo la sheegay in xiligaas ay ku kulansanayeen Suuqa Bakaaraha.

Ciidamada sida gaarka u tababaran ee Maraykanka oo helay xogtaas ayaa ku baxay halka lagu sheegay Jananka oo ay muddo raadinayeen, balse isku dhac dhexmaray Ciidamada Badda Mareykanka iyo Taageerayaasha Caydiid ayaa sababay dhimashada 18-Askari oo Ameerikaan ah, dad rayid ah oo diyaaradaha duqeyn ku dileen, halka lasoo riday labo kamid ah diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Ameerikaanka.

Waxaa foodda is daray Isbaheysigii Mareykanka iyo taageerayaashii Maxamed Faarax Caydiid, Daryanka hubka nuucyadiisa kala duwan, cabaadka shacabka goobaha duqeynta Mareykanka ku dimiyeen, uuro iyo olol ayaa marqura is qabsaday.

Labo kamid ah diyaaradaha Mareykanka ee Qumaatiga u kaca ayaa lasoo riday, Mareykanka ayaa qaaday tallaabo uu ku aargudanayo oo sababtay dhimashada iyo dhaawaca dad shacab ah soo gaaray.

Waqtigaas Mareykanka waxa uu wakiil u ahaa Qaramada Midoobay si loosoo afjaro Dagaalka sokeeyo iyo macluusha ka jirtay Soomaaliya oo caqabadda ugu weyn loo tirinayay hoggaamiye kooxeedyada beelaha.

“Jidka waxaa taagnaa Caydiid oo diiday in uu la shaqeeyo Qaramada Midoobay, koox katirsan Rajo soo celinta ayaa gacanta ku dhigtay labo sarkaal sare oo katirsan taageerayaasha Gen. Caydiid, waxaa lagu guuldareystay in wadahadal lagu dhameeyo wax waliba” Sidaasi waxaa lagu qoray bogga gaarka ah Mareykanka ee dhacdadaan uu u sameeyay.

“Ujeedka howlgalka ayaa ahaa in saacad lagu soo afjaro Jananka oo ku sugnaa meel lagu sheegay in uu joogo, balse is qabqabsiga ayaa gaaray habeenkii ilaa uu u gudbay dharaarta 4-tii October 1993” waa Ereyada xusuuseedka keyda la geliyay.

Dhicitaanka labada diyaaradood ee Mareykanka waxaa u dhaxeeyay qadar dhan 20-daqiiqo, diyaaradda koowaad waxaa lasoo riday 4-tii galabnimo iyo 20-daqiiqo, halka tan kale lasoo riday 4-tii iyo 40 daqiiqo, waxaana lagu soo riday qoriga culus ee garbaha laga tuuro RPG-7 oo ay Soomaalidu u taqaan (Saban/Baasuuke).

Mareykanka oo waji kale u sameynaya dhibaatada gaartay iyo tan uu geystay waxa uu ka sameeyay filim uu ku buun-buuninayo Askartiisa, isla markaana uu ku duugayo waxa uu geystay.

Howlgalkaas Mareykanka waxaa ku wehliyay dowlado kale oo isugu jiray Carab, Yurub, Afrikaan iyo kuwo kale oo markaas daneynayay Arrimaha Soomaaliya iyo rajo soo celinta nabadda, maadaama labo sano oo Dowlad la’aan dalka ka jirtay, beelaha dagaalameen colaad & Gaajana dalka ka dilaacday.

6-Bilood kadib, Mareykanka ayaa isaga baxay Soomaaliya isaga xambaarsan Guuldarro Askareed iyo tacadiyo aadane ee uu u geystay dadkii shacabka ahaa ee ay ku dul dagaalameen Rajo soo celinta & Taageerayaashii Maxamed Faarax Caydiid.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More