IMAARAADKA oo ka baxay qeyb ka mid ah HESHIISKII

Hargeysa (Axadle) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa fulin weyday qoddob kamid ah heshiiskii madaarka Berbera ee ay kal hore kala saxiixdeen xukuumadda Gobaladda Waqooyi, sida uu shaaciyey Mareeyaha hay’adda duulista iyo maamulka madaaradda Gobaladda Waqooyi.

Mareeye Cumar Sayid ayaa golaha wakiiladda Gobaladda Waqooyi ka hor sheegay in heshiiskii madaarka Berbera ee ay la galeen dowladda Imaaraadka uu dhigayay inay Madaarka Berbera ka dhigtaan Saldhig, ayna sameeyaan madaar kale oo duulimaadyada diyaaradaha rayidka ah, kaasi oo aan fulin.

Waxa uu sheegay in dowladda Imaaraadka Carabta aysan sameyn madaarkii ay kula heshiiyeen, kadib markii ay xukuumadda Gobaladda Waqooyi ku wargelisay in uu ku batay dhaqaalihii Dekedda iyo kii Waddada Berbera.

“Madaarka Berbera waxaynu heshiis ku galnay inuu Saldhig u noqdo dowladda Imaaraadka Carabta, qorshaha waxa ku jiray inay inoo sameeyaan Madaar kale, muddo markii wada-hadalkii socday iyaguna yidhaahdeen waxa nagu batay dhaqaalihii Dekedda iyo kii Waddada, waxa la isugu ururay in Madaarka Berbera ka Jabuuti sida uu yahay (oo kale laga dhigo) inuu Saldhiggiina noqdo, Gobaladda Waqooyi-na ka isticmaasho wixii ay ugu baahato oo ah duulimaadyadii (Rayidka), keligiina maaha ee Madaarradu intaas oo ujeeddo ayay wada qaban karaan,” ayuu yiri Cumar Sayid.

Mareeyaha ayaa sidoo kale sheegay in qoddobkaas ka fuli waayey heshiiskii Madaarka Berbera ay heshiis ka gaareen Imaaraadka iyo Gobaladda Waqooyi, islamarkaana la isla qaatay in madaarka uu noqdo Saldhig ciidan iyo mid rayid.

Si kastaba, Imaaraadka ayaa xiriir wanaagsan la leh xukuumadda Gobaladda Waqooyi, ayada oo shirkadooda DP WORLD ay si buuxda gacanta ugu hayso dekedda Berbera, oo Gobaladda Waqooyi u aheyd il dhaqaalo oo muhiim ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More