Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay Koonfur Afrika

Cape Town (Axadle) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil ay saacadihii la soo dhaafay kooxo burcad ah ganacsade Soomaaliyeed ugu geysteen gudaha dalka Koonfur Afrika, kaas oo lagu magacaabi jiray marxuum Isaaq Shiinow Cali.

Dilka oo loo adeegsaday Mindi ayaa ka dhacay goob ganacsi oo uu marxuumka ku lahaa magaalada Queens Town ee gobolka Eastern Cape.

Wararka ayaa sheegaya in saddex nin ay dukaankiisa ugu galeen marxuumka oo kaligiis ahaa, waxaana ay ku mudeen Mindi, isaga oo markii dambe u geeriyooday dhaawacii soo gaaray.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in dadka deegaanka ay ka war-heleen weerarka lagu soo qaaday ganacsade Isaaq Shiinow, iyaga goobta ugu yimid saddexdii nin oo boob ku haya dukaanka, kadibna ay halkaasi ku wada dileen burcadda ka dambeysay falkaasi.

Mid ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan Koonfur Afrika oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey dhacdadaas.

“Burcadda markii ay Isaaq Shiinow Cali ugu dhex tagtay Goobtiisa oo uu keli ku ahaa waxa ay ku mudday Mindi gaarsiisay dhaawac halis ah, intaas kaddib waxa ay bilaabeen in ay boobaan hantidiisa balse dadka deegaanka oo ka war helay ayaa ka dul dhacay saddexdii burcadda oo isla goobta ku dilay,” ayuu yiri qofkaasi ka mid ah dadka deegaanka.

Dhinaca kale kooxo burcad ah ayaa tuulada Khayelitsha ee magaalada Cape Town ku dishay Ibraahim Cumar oo ka mid ahaa Soomaalida ku dhaqan halkaas, iyada oo lagu dhaawacay nin kale oo Itoobiyaan ah oo la dhigay mid ka mid ah goobaha caafimaadka.

Koonfur Afrika oo Soomaali badan ay ku nool yihiin, kuwaas oo u badan ganacsato ayaa la kulmo weeraro joogta ah sida dil, dhac iyo boob ay u geystaan burcad hubeysan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More