Galmudug oo war kasoo saartay weerarkii gobolka Mudug – Caas…

Dhuusamareeb (Axadle) – Wasiirka wasaaradda amniga maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi ayaa si kulul uga hadlay weerar ay geysteen maleeshiyaad hubeysan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Ugu horreyn Fiqi ayaa tacsi u diray ehellada dadkii shacabka ahaa ee lagu dilay weerarkaasi oo ahaa mid qorsheysan, kana dhacay galbeedka gobolkaasi.

“Waxaan ka tacsiyadaynayaa Isla markaana cambaaraynayaa dilka ka dhacay shalay galab deegaanka u dhexeeya Goldogob iyo Saaxa-wanaag ee Galbeedka gobolka Mudug ee lagu beegsaday dad xoolo dhaqato ah ayna ku dhinteen 2 qofood, laguna dhaawacay qof kale,” ayuu yiri wasiirka amniga dowla goboleedka Soomaaliyeed Galmudug Axmed Macalin Fiqi.

Sidoo kale wuxuu amray laamaha amniga inay gacanta kusoo dhigaan kooxihii ka dambeeyey falkaasi dilka ah oo uu tilmaamay inuu fidno ka buurayo deegaanka.

Fiqi ayaa sidoo kale intaasi ku daray in sharciga la horkeeni doono raggii ka dambeeyey weerarkaas, si looga hortego falalka lagu beegsanayo dadka rayidka ah.

“Waa fidno cusub oo xasiloonida deegaanka iyo wada noolaasha dadka deriska leh lagu Qalaad-gelinayo, waxaan ku baaqaynaa in kooxdii danbigaas geysatay sharciga la horkeeno, baaritaan qoto dheerna lagu sameeyo xiriirka ka dhexeeya kooxaha deeganadaas mar walba dilalka ka geysta iyo argagixisada,” ayuu markale yiri wasiirka.

Waxa kale oo uu intaasi sii raaciyey “Eheladii iyo qaraabadii dhibbanayaashaas waxaan leenahay sabir iyo iimaan Allaha idinka siiyo”.

Weerarkan ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan illaa labo qof, halka mid kale lagu dhaawacay, waxaana loo sababeynayaa dilal la xiriira aanooyin Qabiil oo weli ka taagan gobolka Mudug.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More