Fahad Yaasiin oo aqbalay xilka qaadistii KULANE, nin kalena …

Muqdisho (Axadle) – Taliyaha hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa magacaabay madaxa shaqaalaha ee hay’adda NISA, kadib markii uu madaxii hore xil ka qaadis ku sameeyey ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Fahad Yaasiin ayaa madaxda cusub ee shaqaalaha NISA u magacaabay Cabaas Yacquub oo bedalaya Cabdullaahi Kulane oo dhowaan xilkaasi uu ka qaaday ra’iisul wasaaraha.

Sidoo kale Cabaas ah ayaa ah sarkaal sare oo ka tirsan hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka, wuxuuna ahaa madaxa maamulka, maaliyadda iyo tiknoolijiyadda ee NISA.

Sida ogaatay Axadle magacaabistan ayaa timid, kadib kulan gaar ah oo dhex-maray Fahad Yaasiin iyo madaxweyne Farmaajo, iyaga oo ka tashaday tallaabadii Rooble, kadibna  isku afgartay in la magacaabo ma’suul cusub ee bedala Cabdullaahi Kulane.

Xilka qaadista lagu sameeyey mas’uulkaasi iyo taliyaha nabad sugida ee garoonka Aadan Cadde ayaa daba socotay xanibaad la saaray mas’uuliyiin ka socotay gobolka Gedo, taas oo sidoo kale ka hortimid amarkii socdaalka garoomada ee uu horey u soo saaray Rooble.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo isagu ah mas’uulka ugu sarreeya maamulka doorashada ayaa tallaabadan lagu boggaadiyey, waxaana sidoo kale soo dhoweeyey musharraxiinta mucaaradka.

Si kastaba arrimahan ayaa kusoo aadayo, xilli xasaasi ah, isla-markaana la guda-galayo doorashooyinka Soomaaliya, iyada oo lagu horreyn doono soo xilista xildhibaanada cusub.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More