Dibad-bax ka dhan ah Al-Shabaab oo ka dhacay

Gaalkacyo (Axadle) – Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa maanta ka dhacay dibad-bax ballaaran oo ay dhigeen shacabka iyo maamulka magaaladaasi, kuwaas oo isugu soo baxay waddooyinka waa weyn ee ku yaalla halkaasi.

Dibad-baxa ayaa waxaa looga soo horjeeday kooxda Al-Shabaab, waxaana sidoo kale ka qeyb-galay maamulka degmada, wasiiro iyo saraakiil ka tirsan laamaha amniga magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale dibad-baxan ayaa waxaa lagu taageerayey howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ka wadaan koonfurta Mudug.

Qaar ka mid ah dibad-baxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay garab taagan yihiin ciidamada huwanta ee dagaalka ka wada deegaanada maamulka Galmudug.

Mas’uuliyiinta goobta ka hadashay ayaa dhankooda xusay in loo baahan in loo midoobo dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab, kana socda gobolka Mudug ee bartamaha dalka.

Dibad-baxan oo uu soo qaban qaabiyey maamulka degmada Gaalkacyo ayaa saameyn ku yeeshay dhaqa-dhaqaaqa iyo goobaha ganacsiga ee magaaladaas oo maanta xiran.

Si kastaba Galmudug ayaa howl-gal culus ka wada deegaanadeeda, waxaan dagaalkii ugu dambeeyey uu shalay ka dhacay koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More