Dhalinyaro rabta ku biirida Al-Shabaab oo gudaha u soo gashay Soomaaliya

Saddex dhalinyaro ah kana soo jeeda ismaamulka Mandera ee waddanka Kenya ayaa ka soo gudbay xuduudka Soomaaliya iyaga oo ku biiray Al-Shabaab, sidda uu xaqiijiyay taliyaha booliska gobolka waqooyi bari ee Kenya maamusho.

Nick Ndalana oo arrintaan ka sheegay kulan looga hadlayey ammaanka ayaa xusay in dhalintaas ay kasoo jeedaan degaanada Fino iyo Lafey, isagoo shaqsiyaadka kale uga digay in ay ku dhaqaaqaan falkaas oo ah ku biiradi Xoogga hubaysan ee Al Shabaab.

Waalidiinta ayuu kula dardaarmay in ay la socdaan dhaqdhaqaaqa caruurtooda. Si gaar ah, qoyska saddexdaas wiil oo uusan magacaabin ayuu ku booriyey in caruurtooda ay isku soo dhiibaan ciidanka amniga.

“Waalidiinta waxaan u sheegeynaa hadii ay kasoo laabtaan Soomaaliya iyagoo aan isa soo dhiibin waxaan ula dhaqmi doonaa sidda cadowgeena,” ayuu ka sheegay kulan looga hadlayay amaanka.

Hadalkaan ayuu taliyuhu ka sheegay ismaamulka cusub ee Arabia, halkaasoo 2014-kii qabsaday ciwaanada warbaahinta markii Al Shabaab ay ku dishay 28 rakaab ah kuwaas oo ay kala dageen gaadiidkii ay saarnaayeen.

Tan iyo 2014-kii, waxaa aagaan oo u dhaxeeya waddooyinka Mandera-Lafey-Elwak laga diiwaan-geliyey 116 falal argagixiso, sidda Boolisku sheegay kaasoo intaas ku daray in dadkaas badankooda ay ahaayeen shacab.

Al Shabaab ayaa gudaha Kenya ka gaystay weeraro dhiig badan ku daatay ka dib markii ciidanka Kenya sanadkii 2013 ku biireen howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliy-AMISOM oo soomaaliya ka socda ku dhawaad 15 sano inkastoo aysan gaarin natiijo muuqata, marka loo eego awooda Al Shabaab u leedahay in ay weerarto xurumaha Dowladda, Xafiisyada Diblomaasiyiinta iyo AMISOM.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More