Dagaalka Tigray oo laga cabsi qabo in uu dhaliyo Jabhado

Ciidanka Ismaamulka Tigray

Waxaa daba-dheeraaday dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka Itoobiya & kuwa Tigray, inkasta oo Xukuumadda Abiy Ahmed aysan si buuxda u gaarin hadafkeeda ah in ay gacanta ku dhigto xoogga TPLF.

Abiy Ahmed ayaa labo jeer fursad min saddex cishe ah siiyay hoggaanka TPLF, balse ilaa haatan ma jiro mas’uul ka faaiideystay oo iska dhiibay dhanka Tigray si uu u maro dhanka Dowladda Federaalka.

Raysul Wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in wajiga saddexaad uu galay howlgalka ka socda ismaamulka Tigray, waxa uu ka dhega fureystay baaqyada beesha Caalamka ah ee wada-xaajoodka lagu dhameystirayo.

Ururka TPLF oo ku dhawaad 30 sano ka talinayay deegaanka Tigray ee Itoobiya ayaa hadda u muuqda in uu isu diyaarinayo dagaal jabhadeyn ah oo uu ciidamada dowladda kula galo dhulkaas buuraleyda u badan.

Inkasta oo Saraakiisha Militariga ay sheegeen in ay hareereeyeen Magaalada Mekelle oo xarun u ah Tigray, isla markaana gacanta TPLF ay ka baxday Deegaanno dhowr ah oo caasimadda Kulaala.

Qubarada dhanka Ciidanka ayaa sheegay in ay suuragal tahay in Magaalada Caasimadda u ah Ismaamulka Tigray in ay isaga baxaan Askarta TPLF, Balse qorshaha kaliya ay sameyn karaan ay tahay in ay jabhadeeyaan Ciidamada Federaalka marka ay saldhigtaan.

Isha:  BBC  / Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More