Daawo:Wasiirka Amniga oo war ka soo saaray xaalada kacsan ee Muqdisho

Muqdisho (Axadle) – Wasiirka Amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale oo goordhow shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaalada magaalada Muqdisho isagoo la hadlay shacabka magaalada.

Wasiirka ayaa been abuur ku tilmaamay in ciidamo ka tirsan dowladda ay weerareen guriga Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

“Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud waxaa ilaalo ka haayay ciidamada ilaalada ka haya Madaxtooyada tan iyo markii uu xafiiska la wareegay 2017.

Wasiir Xundubey wuxuu sheegay in dad aan ka cabsaneyn shacabka Muqdisho ay magaalada keeneen maleeshiyo, taasoo uu sheegay inay iska caabiyeen ciidamada dowlada.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dagaalada Muqdisho ay gadaal ka riixayaan dowlado shisheeye, sida uu yiri.

“Dadka reer Muqdisho waxay leeyihiin yaan laga qayb galin dagaaladaan loo soo wareejiyay Magaalada Muqdisho, Dowlado shisheeye ayaa daneynaya iyaga, dadka Soomaaliyeed qaarkood waa dilaaliin .Xasan Xundubey.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More