Ciidanka Itoobiya oo toogtay 4-ruux oo ay Gaari

Dhibaatooyinka rayidka ay u geysanayaan Ciidamada Federaalka ee ka amar-qaata Raysul Wasaare Abiy Ahmed ayaa kordhay, waa joogto kiisaska lasoo gudbinayo ee ka dhanka ah Shacabka ah oo ay ku lug leeyihiin Askarta Dowladda kuna sugan Ismaamulka Tigray.

Shaqaale katirsan Hay’adda dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn ee loosoo gaabiyo MSF ayaa sheegay in ay arkeen Bas ay joojiyeen Ciidamada Federaalka, waxa ay dadka ku amreen in ay kasoo degaan, kadib waxa ay kala degeen afar ruux oo ugu dambeyn ay toogteen.

Waa dhacdo kale oo bar madow ku noqoneysa awood sheegashada & beegsiga aan kala sooca lahayn ee Ciidanka Federaalka u geysanayaan Dadka kunool Ismaamulka Tigray oo qaarkood Magaalooyinka isaga baxaya.

Kooxda katirsan MSF ayaa sheegtay in Askarta Itoobiyaan ay joojisay Baska kadib markii weerar Jidgal ah lagu qaaday, iyaga oo ka xanaaqsan weerarkaas waxa ay bilaabeen in ay Gawaarida joojiyaan, Bas waday Dad badan ayay kala degeen 4-ruux oo ugu dambeyn ay toogteen.

“Rakaabka Baska ayay soo dejiyeen, saf ayay galiyeen, waxa ay kala dhex-baxeen afar ruux oo ugu dambeyn ay toogteen, qalqal ayaa galay dadkii kale ee la socday 4-ruux ee la toogtay, ma jirto cid ka weyn sharciga waana in la baaraa arrintaas si meel looga soo haro” Sidaasi waxaa yiri Dhaqaatiirta katirsan MSF.

Dacwad ka dhan ah arrintaas waxaa loo gudbiyay Safaaradda Ethiopia ee London si loo dabagalo dhibaatooyinka dadka aan waxba galabsan balse bartilmaameedka ka dhigteen ciidamada federaalka ee la geeyay ismamulka Tigray ee dhaca Waqooyiga Itoobiya.

Dagaalkii bilawday Bishii November 2020 waxa uu sababay dhimasho, dhaawac & Barakac, waxaana burbur xooggan uu soo gaaray dhismaha bilicda qurxoonaa oo isugu jiray goobo Ganacsi, Hoy & meelo loo dalxiis tago kadib markii ay ku dul dagaalameen Ciidamada Federaalka oo gacan ka helaya Ciidanka Eretareeya & Kooxda TPLF.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More