Ciidamada Dowladda oo xiray qaybo kamid ah waddooyinka

Ciidamada ammaanka DFS ayaa saakay xiray qaar kamid ah waddooyinka Magaalada Muqdisho, waxaana lugeyna Dad isugu jiro Arday, kuwa shaqooyin u socda iyo shaqsiyaadka kale ee raaci jiray Gawaarida isu socodkooda la joojiyay.

Askarta ilaalada gaarka ah ee Madaxtooyada Soomaaliya ee loo yaqaan (Koofi Cas) ayaa xirtay waddooyinka Caasimadda gaar ahaan qaybo kamid ah Maka Al-Mukarama & Waddada hormarta Dekedda Muqdisho.

Waddooyinka waaweyn waxaa lagu jaray Gawaarida dagaalka, dhagaxaan iyo biro ay dhigeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya, waxaana ujeedka loo xiray lagu sheegay in Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu tagayo Wasaarado ay kamid tahay Arrimaha dibadda.

Inta badan marka la xirayo waddooyinka Magaalada Muqdisho dadka laguma wargeliyo, waxa ay ku waaberiistaan jidadka muhiimka ah ee Caasimadda oo xiran, waxa ay taasi sababtaa in ay ka daahaan ama ka baaqdaan danaha ay usoo baxeen.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa bilaabay kormeerka xarumaha kala duwan ee Dowladda Federaalka, kulamo ayuu la qaadanayaa mas’uuliyiin kala duwan ee ku shaqeysa meelaha uu tagayo.

Shalay ayuu tagay xarunta Taliska Booliiska Soomaaliyeed oo uu kula kulmay hoggaanka, saraakiisha iyo talisyada kala duwan ee Ciidanka ammaanka Soomaaliya, isaga oo ka xog-dhageystay qorshaha sugidda Amniga.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More