Ciidamada amniga ayaa xayiray marinka loo galo Daljirka Daahsoon

Muqdisho (Axadle) – Ciidamada amaanka dowlada ayaa maanta xiray dhamaan wadooyinka soo gala taalada daljirka dahsoon ee degmada Boondheere ee gobolka Banaadir, halkaas oo ay ka bilaabeen howlo cusub.

Ciidamada ayaa dhagxaan waaweyn ku jaray waddooyinka soo gala taallada u dhow Madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in madaafiic culus iyo gawaarida gaashaaman.

Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale u sheegay Axadle in ciidamadu ay aagga ka sameeyeen difaacyo si looga hortago weerarada kaga yimaada dhanka mucaaradka.

Dhinaca kale waxaa jira dhaq dhaqaaqyo xoogan oo is burinaya oo ka socda guud ahaan Axadle, kuwaasoo ay hogaaminayaan dowlada iyo mucaaradka.

Sidoo kale dadkii deganaa Degmooyinka Hodan, Howlwadaag, Warta Nabada iyo Boondheere ayaa sidoo kale dib u dejin loo sameeyay maadama ay jiraan xoogag ka soo horjeeda oo ku sugan degmooyinka qaar

Sikastaba, xaaladda magaalada Muqdisho ayaa kacsan maanta, iyadoo laga cabsi qabo in markale dagaallo ay ka dhacaan axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More