Axmed Madoobe: “Farmaajo wuxuu rabaa inuu Soomaaliya ku tuuro bohol dheer”

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ayaa si toos ah uga horyimid muddo kordhintii Xildhibaanada Golaha Shacabka ay u sameeyeen hay’addaha dowladda Federaalka iyo Madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday Farmaajo.

Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa jeediyay khudbad uu kaga warbixiyay xaalada kala guurka ah ee uu dalku marayo, shirkii doorashada, qorshihii madaxweynaha, go’aanka golaha shacabka iyo xogta uu ka haayo marxaladihii waqtiga kordhinta. Hogaamiyaha xilka kasii degaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Axmed wuxuu markii ugu horaysay ka hadlay sababihii heshiiskii 17 Sebtember 2020 looga door biday doorashada hal qof iyo hal cod, 13 shirar ayaa tilmaamay inay isu yimaadeen in xal la gaadho laakiin lagu guuldareystay in la xaliyo arrimaha amniga, afti dastuurka loo qaado, cawska Gobaladda Waqooyi ka adkaaday dawlada hoose awood qeybsiga 4.5 hay’adaha dowladda.

Hogaamiye Axmed Madoobe wuxuu sharci daro ku tilmaamay go, aankii Baarlamanka ee 12 Abriil 2021 waayo mudo xileedkoodii wuxuu idlaaday oo hal aqal oo kaliya ayaa go aan gaari kari waayey, laakiin wuxuu ku tilmaamay talaabada Golaha wakiilada mid aan dastuurka waafaqsanayn. Dalka sida uu hadalka u dhigay.

Dhibaatooyinka uu ka hadlayo Maxamed C / llaahi Farmaajo waa wax aan jirin, wuxuu ku tuurayaa Soomaaliya god dheer, haddii aan maanta wax laga qaban dalka dib ayuu uu noqon doona, wuxuu xiray waddooyinka Muqdisho, waxaana ku riyoodaa qarow, lacag la’aan iyo doorasho xalaal ah.Wuxuu shalay yimid halkan kumana fiicna inuu ku daydo Efwarki iyo meelo kale. Waa sida uu yiri Axmed Madoobe.

Wuxuu u soo jeediyay madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday inuu qabto doorasho la mid ah tii dhacday sanadkii 2017 isla markaana uu iska daayo kursi jacleysiga sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in dadka kuool Caasimadda dalka ee Muqdisho ay heystaan dhibaatooyin badan oo ay ku jiraan cabsi badan, isagoona uga mahadceliyay shacabka dul-qaadka ay muujinayaan iyagoona og wixii lasoo maray.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More