Arrin uu saadaaliyey Daahir Geelle inay qabsan doonto Farmaa…

Muqdisho (Axadle) – Iyadoo uu Maanta Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble uu si rasmi ah u furay shirka madaxda Maamul Goboleedyada, Gobolka Banaadir iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa soo if baxday arrin uu horey usii sheegay Daahir Maxamuud Geelle oo kamid ah musharixiinta u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya.

Musharax Daahir Maxamuud Geelle ayaa qormo uu qoray 17 April 2021 ku sheegay in khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya lagu xallin doono miis uusan fadhin madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo taasoo u muuqata inay dhab noqon rabto maadaama Maanta Farmaajo laga waayey shirka u furmay Dowladda Dhexe iyo madaxda Maamul Goboleedyada oo go’aan looga gaarayo arrimaha doorashooyinka.

“Farmaajo waxaa soo martay Maalin gurbaan taageero loo tumayay, maalin laga dalbado inuu gogol fidiyo si kala guurka looga arrinsado, balse wuu xagal daaciyay,” ayuu ku yiri farriin u muuqatay inuu si toos ah waqtigaas ugu dirayey madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday.

Daahir Maxamed Geelle ayaa intaas ku daray “ Waxaa xigay maalin gogasha isaga laga codsan jiray ay beesha caalamka isaga ugu yeerto, waana isaga dhaqaaqay.”

Ugu dambeyntii Musharax Geelle ayaa sii saadaaliyey in go’aanka doorashada Soomaaliya xalkeeda la gaari doono iyadoo uusan Farmaajo fadhin miiska wadahadalka. “Waxaa muuqata arrinta Soomaaliya ee miis ku dhammaatada aheyd in ay ku dhammaan doonto miis uu Farmaajo ka maqan yahay.”

Shirka maanta u furmay madaxda Maamul Goboleedyada, Gobolka Banaadir iyo Dowladda Dhexe ayaa waxaa durba muuqata in heshiis hordhac ah laga gaaray qaar ka tirsan qodobadii la isku hayey oo ay kamid yihiin: Khilaafka Gobolka Gedo, Amniga Doorashada, kuraasta reer Woqooyiga iyo Guddiga doorashooyinka.

Farriinta uu Daahir Maxamed Geelle qoray 17 April 2021 ayaa qorneyd sidan

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More