Amiirka Al-Shabaab oo hanjabaad culus kasoo saaray doorashad…

Muqdisho (Axadle) – Amiirka Kooxda Al-Shabaab Axmed Cumar Abu Cubeyda ayaa cod cusub oo uu soo duubay, oo lagu soo beegay munaasabadda ciidda, kaga hadlay doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan.

Abu Cubeyda oo marka hore ka hadlay khilaafkii ka dhashay doorashooyinka Soomaaliya, ee markii dambe keenay in lagu xaliyo xerada Afisyoone, taasi oo uu ku macneeyey inay ka tarjumeyso sida “shisheeyaha ay dalka u haystaan iyo in amarradooda lagu maamulo.”

Waxa uu madaxda dalka hadda maamula iyo musharaxiinta madaxweyne ugu yeeray kuwa u adeegga shisheeye, oo aan xor aheyn, isaga oo su’aal ka keenay sida dad noocaas ah looga sugi karo inay dalka samata bixiyaan, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sidoo kale weerar culus ku qaaday hay’adda culimada Soomaaliyeed, oo uu ugu yeeray “culumaa’u suuq faasidiin ah oo diintooda ka leexday, islamarkaana sharciyaaya nidaam aan ku saleysneyn diinta Islaamka, oo ay xalaaleeya xumaanta ay ku jiraan madaxda dowladda federaalka, kuna raacay madaxdaasi in dalka lagu xukumo wax aan ahayn kitaabka Allah.”

Abu Cubeyda ayaa culimada dusha ka saaray xukun ah inay diinta ka baxeen, kana mid yihiin caqabadaha Soomaaliya heysta, sida uu hadalka u dhigay.

Abu Cubeydah ayaa sidoo kale weerar ku qaaday ciidamada Soomaaliya iyo warbaahinta Soomaalida, isaga oo sheegay in warbaahinta ay u adeegaan faafinta iyo qurxinta nidaamka dimqoraadiga ah, oo xaqiiqda ay qariyaan, sida uu hadalka u dhigay.

Amiirka Al-Shabaab ayaa uga digay shacabka iyo ergooyinka inay ka qeyb-galaan doorashooyinka dalka ka dhacaya.

“Waxaan uga digeynaa umaddeena inay ka qeyb qaadato doorasho ku sheegga dalka laga hirgelinayo, waxana uga digeynaa inay qeyb ka noqoto gumeysiga uu dalku ku jiro, garab iyo sharciyadna siiso ajendaha gaaladu wadato ee salka ku haya la dirirka Shareecada Islaamka,” ayuu yiri. 

“Mujaahidiintu waxay kasoo horjeedaan qorshe kasa oo diinta ka hor imaanaya.. waxaan digniin iyo dardaaran u direynaa ergada wax soo xusha.. amnigiinaa ma sugi doonaan kuwa mansab raadiska ah, ha ku kedsoomina inaad dhaqaale heli doontaan; waa inaad ku tusaale qaadataan kuwii idinka horeeyay iyo inta ka nool nolosha ay ku nool yihiin.”

Abuu Cubeyda ayaa ugu dambeyn ammaanay maamullada Al-Shabaab ee wilaayaadka loo yaqaan, kuwaasoo uu sheegay inay damiyeen colaadii u dhaxeysay beelaha Soomaaliyeed, ayna tusaale u yihiin, sida uu yiri, inay Soomaaliya diinta ku midoobi karto.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More