Al-Shabaab oo weerar qarsoodi ah ku qabatay mas’uuliyiin ka …

Kudhaa (Axadle) – Warbaahinta ku hadasha afka kooxda Al-Shabaab ayaa maanta daabacay in weerar qorsheysan oo ay kooxda Al-Shabaab xalay ku qaaday xeebaha gobolka Jubbada Hoose lagu qabtay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland.

Weerarkaan oo ahaa mid qarsoodi ah ayey kooxo aad u hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeyn guri ku yaalo jaziiradda Kudhaa, waxana guriga la weeraray daganaa mas’uuliyiin ka tirsan maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.

Sida ay baahiyeen warbaahinada taageerta Al-Shabaab, waxaa kooxdaan u suurta gashay inay gacanta ku dhigaan Guddoomiye ku xigeenka Kudhaa Cumar Cabdulle oo u magac dheeraa (Cumar Afloow).

Sidoo kale weerarka ayaa waxaa lagu qabtay Maxamed Cali Garaar oo ahaa madaxii ugu sareeyey ciidamada Jubaland ee ku sugan Kudhaa.

Weerarka Al-Shabaab ay ku qaadeyn guriga mas’uuliyiintaan ayaa la sheegay inuusan qaadan waqti badan, mana jirin iska caabin sidaas ah maadaama kooxda fulisay howlgalkaan ay ahaayeen kuwa aad u hubeysan.

Kudhaa waa magaalo xeebeed ku taala koonfurta gobolka jubada hoose, waxayna magaalada Kismaayo kaga beegan tahay koonfur, waxeeyna qiyaasti u jirtaa 100Km ama 62 Mile.

Inta aanan lagu magaacaabin magaca hada ee Kudhaa waxaa la oran jiray laanta Gobta iyo Kulmis . Burburkii Soomaaliya ka hor, magaaladu waxaa ahayd meel loo dalxiis tago, waxaana xiligaa imaan jiray dadka ajanabiga ah iyo maamulka gobolka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More