Jurgen Klopp ayaa jabiyay aamusnaanta

Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray inuu Joachim Low ka badalayo shaqada tababarenimo ee Jarmalka wuxuuna sheegay inuu sii joogi doono Liverpool sanad kale.

- Advertisement -

Low ayaa maanta ku dhawaaqay inuu ka tagayo Jarmalka xagaagan isla markaana uu soo gabagabeynayo 15 sano oo uu mas’uul ka ahaa kooxda, oo ay ku jiraan Koobkii Adduunka ee 2014.

Laakiin ninka ay isku dalka yihiin ee Klopp oo ay kooxdiisa Liverpool haatan guuldaro la kulantay kulan rikoodh ah ayaa sheegay in uuna xiiso u qabin in uu shaqo ka helo xulka qaranka Germany

Wuxuu yiri: “Diyaar ma u ahay inaan leyliya Jarmalka xagaagan? Maya.

“Joachim Low wuxuu qabtay shaqo wanaagsan, waxaan hubaa in xiriirka kubada cagta Jarmalka uu xal fiican heli doono”.

Klopp, oo Liverpool kula guuleystay Champions League iyo Premier League, ayaa u saxiixay kooxda Anfield qandaraas kordhin ah ilaa 2024.

Wuxuuna ballanqaaday inuu soo afjari doono qandaraaskiisa, taasoo la micno ah inuusan isagu ahayn ninka beddelaya Low.

Klopp ayaa sharraxay: “Diyaar uma ihi inaan tababare u noqdo Jarmalka.

“Waxaan heystaa seddex sano qandaraaskeyga LFC, sax? Way fududahay. Si aad u saxiixdo qandaraas, waa inaad ku dhegtaa heshiiskaas. Markii aan ku jiray qandaraasyada Mainz iyo Dortmund, marwalba waan sii joogay.”

Klopp wuxuu aaday Liverpool sanadkii 2015 wuxuuna 2019 ka dhigay boqoradda Yurub.

Sannad kadib, ku guuleystaha labada jeer ee Bundesliga ayaa Liverpool u horseeday horyaalkeedii ugu horreeyay muddo 30 sano ah.

Laakiin xilli ciyaareedkaan wuxuu ahaa mid masiibo ah madaama laga badiyay lix kulan oo gurigooda oo isku xigta horyaalka, markii ugu horeysay ee tan ay dhacdo taariikhda.

Sikastaba, Klopp ayaa balan qaaday inuu dagaalami doono ilaa dhamaadka, mana muuqato wax calaamado ah oo sheegaya in funaanadiisa ay qatar ku jirto.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More