Jamaahiirta Man United Oo Lavatory Sheegay Shuruuda
Xiddigii hore ee kooxda Liverpool ee Danny Murphy ayaa shaaca ka qaaday qaabka kaliya ee ay Manchester United shaqada tababarenimo ee kooxdeeda kaga caydhin karto tababare Ole Gunnar Solskjaer oo markale qarka u saaran inuu koob la’aan ku fashilmo.
- Advertisement -
Man United ayay habeen hore wareega siddeeda ee FA Cup ku reebtay Leicester City oo ay marti u ahayd taas oo ka dhigan in Europe League uu yahay koobka kaliya ee ay u tartami karaan inta xilli ciyaareedka ka dhiman.
Red Devils ayaa hadda 14 dhibcood ka dambeeya kooxda hoggaanka haysa ee Man City isla markaana horraantii xilli ciyaareedkan laga saaray tartamada UEFA Champions League iyo Carabao Cup.
Murphy oo ka hadlay Solskjaer ayaa sheegay in koox leh darajada Manchester United oo kale aysan ku filnayn inay u tartanto Europe League isla markaana ay shaqada ka caydhin karto haddii uu xataa koobkaas ku guuleysan kari waayo.
Danny Murphy oo talkSPORT ka hadlayay ayaa yidhi “Iyagu daal kuma eedayn karaan guuldarradii kasoo gaadhay Leicester City ee FA Cup-ka safka ciyaaryahanadooduna maaha mid in ku filan xoogan”
“In United ay u tartanto Europe League maaha mid ku filan, ugu horreynba, jamaahiirtu way ogyihiin, jamaahiirtu way ogyihiin midaas, kooxdu way ogtahay midaas Ole-na wuu ogyahay midaas”
“Inay soo bixi waayaan Champions League dhirbaaxo culus ayay ku ahayd iyaga, haa afarta kaalmood ee sarre way kusoo baxayaan xilli ciyaareedkan”
“Haddii aysan ku guuleysan Europe League oo ay kaliya ku dhammaystaan afarta kaalmood ee sarre waxaan filayaa inay isbedel samayn doonaan”